{"id":518567,"date":"2024-08-07T10:34:22","date_gmt":"2024-08-07T07:34:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=518567"},"modified":"2024-08-07T10:37:26","modified_gmt":"2024-08-07T07:37:26","slug":"yaxye-sinwar-waa-nin-ceynkee-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/yaxye-sinwar-waa-nin-ceynkee-ah\/","title":{"rendered":"Yaxye Sinwar waa Nin ceynkee ah ?"},"content":{"rendered":"<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Yahya Ibrahim Hassan Sinwar ayaa dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha dhinaca siyaasadda ee Ururka Xamas, kadib markii uu geeriyooday Hoggaamiyihii hore, Yaxya Sinwar oo ahaa madaxa dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee marinka Qasa, ayaa saacad ka hor dhaqdhaqaaqa wuxuu sheegay in loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ama madaxa xafiiska siyaasadda, kaddib markii weerar toddobaadkii hore ka dhacay Tehran lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniya. Yahya Sinwar, waxa uu dhashay 1962. Israa\u2019iil ayaa xidhay dhawr jeer oo ay ku xukuntay afar xadhig oo xabsi daa\u2019in ah ka hor inta aan lagu sii dayn heshiis maxaabiis beddelasho ah sannadkii 2011, markii uu ku soo laabtay Qasa , wuxuu loo magacaabay hoggaamiyaha garabka militari Qasaam ee Xamaas , waxaa u xigtay in loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa ee marinka Qasa 2017 iyo mar kale oo dib loo doortay 2021.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Israa\u2019iil ayaa aaminsan inuu yahay ninkii dhisay hawlgalkii daadka Al-Aqsa ee dhacay 7 bishii Oktoobar 7, 2023, kaas oo gaystay khasaare nafeed iyo mid militeriba, isla markaana gilgilay sawirka sirdoonkeeda iyo hay\u2019addeeda ammaan ee caalamka hortiisa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Taariikhdiisa,dhalashada illaa maanta ;<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Sinwar waxa uu ku dhashay October 7, 1962 xerada qaxootiga Khan Yuunis ee koonfurta Marinka Qasa qoyskiisu waxa ay ka soo barakaceen magaalada Majdal ee waqooyi bari uga beegan Qasa, kaddib markii ay Israa\u2019iil qabsatay 1948-kii oo ay magaceeda badashay Ashkelon.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxbarashadiisa dugsiga sare waxa uu ku qaatay Khan Yunis, ka hor inta uusan ku biirin Jaamacadda Islaamiga ee Qasa oo uu ka qallin-jabiyay shahaadada koowaad ee qeybta barashada Carabiga. Waxa uu ku soo koray duruufo adag, waxaana saamayn ku yeeshay caruurnimadiisii \u200b\u200bweeraradii iyo dhibaataynta soo noqnoqda ee dadka degan xerada ay ku hayeen gumaysiga Israa\u2019iil. November 21, 2011, wuxuu guursaday Samar Muhammad Abu Zamar, oo ah haweeney reer Qasa ah oo shahaadada mastarka ee aasaasiga ah ee diinta ka qaadatay Jaamacadda Islaamiga ah ee Qaaa.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed; Yahya Al-Sinwar waxa uu lahaa waxqabad muuqda illaa ardaynimadiisii intii uu ku guda jiray waxbarashadiisa jaamacadeed, isaga oo xubin firfircoon ka ahaa ururka Islaamiga ah, oo ah garabka ardayda ee ururka Ikhwaanul Muslimiinka ee Falastiin.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxa uu ku soo shaqeeyay; Xoghayaha Guud ee Guddiga Farsamada ka dibna Guddiga Isboortiga ee Golaha Ardayda ee Jaamacadda Islaamiga ah ee Qasa, ka dibna Guddoomiye ku xigeenka Golaha iyo ka dibna Guddoomiyaha Golaha.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Shaqada uu soo qabtay inta uu ardayga ahaa waxay ka caawisay inuu helo khibrad iyo xirfad u qalma inuu door hoggaamineed ka qaato dhaqdhaqaaqa Xamaas ka dib markii la aasaasay 1987kii. Aasaasihii Xamaas, Sheekh Axmed Yaasiin ayaa Sinwar u xilsaaray inuu hoggaamiyo hay&#8217;ad ammaan oo loo bixiyay Ururka Jihaadka iyo Wacdiga (Majd). Hadafka ururkani waxa uu ahaa in uu ogaado oo uu baacsado wakiillada iyo basaasiinta gumaysiga Israa\u2019iil, marka laga soo tago daba-galka saraakiisha sirdoonka iyo nabad-sugidda Israa\u2019iil, ururkani waxa uu markiiba horseed u noqday horumarinta nidaamka amniga gudaha ee dhaqdhaqaaqa Xamaas.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Nolashiisa xabsiga; Waxaa la xiray markii ugu horeysay 1982-kii, isagoo 20 sanno jir, waxaana lagu xiray xabsiga muddo 4 bilood ah , isagoo aan la soo taagin wax maxkamad ah. 1985kii, mar kale ayaa la xidhay waxaana lagu xukumay 8 bilood.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">January 20, 1988, mar kale ayaa la xidhay, waxaana lagu soo oogay dacwad la xidhiidha afduubka iyo dilka laba askari oo Israa&#8217;iili ah, iyo dilka 4 falastiiniyiin ah oo lagu tuhunsanaa inay la shaqaynayeen Israa&#8217;iil, waxaana lagu xukumay xabsi daa&#8217;in.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muddadii uu xidhnaa, waxa uu la wareegay hoggaanka sare ee maxaabiista Xamaas ee xabsiga, waxana uu ka qayb qaatay maaraynta iska-hor-imaadyada xabsiga iyo xilliyo is daba joog ah oo ay cunnada ka soomeen maxaabiista Falastiiniyiinta sannadihii 1992, 1996, 2000, iyo 2004 .<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxaa loo kala wareejiyay xabsiyo dhowr ah; Waxaa ka mid ah Al-Majdal, Hadarim, Al-Sabaa, iyo Nafha ,waxaa jirtay muddo 4 sanno ah oo kaligii meel cidlo ah uu ku xirnaa , waqtigaa oo uu aad u xannuusaday illaa uu dhiig matagay. Labo jeer ayuu isku dayay in uu ka baxsado xabsiga uu ku jiray, markii koowaad waxaa uu ku xirnaa xabsiga Al-Majdal ee Caslaqan, kan labaadna isaga oo ku jira xabsiga Ramla, balse labada iskuday waa ay fashilmeen xilligaa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Xabsiga Al-Majdal waxa uu ku guulaystay in uu gidaarka qolkiisa ka dalooliyo silig iyo miinshaar yar oo bir ah, laakin darba ayaa dumay ka hor inta uusan ka bixin, taa oo fashilisay iskudaygiisa uu ku doonayay inuu baxsado. Isku daygii labaad ee wuxuu sameeyay intaa uu ku xirnaa xabsiga Ramla, markaa oo ay u suurtagashay in uu birta daaqadda jabiyo, isla markaana uu diyaariyo xadhig dheer, balse waa uu kashifmay iskudayga ,markaa kaddib Israa\u2019iil ayaa go\u2019aansatay inay meel cidlo ah ku xirto.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxa la soo deristay dhibaatooyin caafimaad oo soo wajahday intii uu xidhnaa, ka dib markii uu la soo deristay madax-xanuun joogto ah oo k dhashay heer-kulul oo aad u sarreeyay, kadib, waxa lagu sameeyay baadhitaano caafimaad oo muujiyay in maskaxdiida ay fadhiyaan xirjiro dhiig ah, waxaana lagu sameeyay qalliin dhanka maskaxda ah oo qaatay 7 saacadood. Mudadii uu xabsiga ku jiray waxaa laga diiday in qoys ay booqdaan,Aabbihiisna labo jeer oo kaliya ayuu booqday muddo 13 sanno ah oo ka mid ah inta uu xirnaa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Buuggaagtii uu beddelay muddada uu xabsiga ku jiray;<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Yahya Sinwar waxa uu 23-kii sanno ee uu xabsiga ku jiray ku maalgeliyay maskaxdiisa akhriska, wax-barashada iyo qorista, muddadaas oo uu bartay luqadda Cibraaniga ee YH ay ku hadlaan, isagoo waqtigaa wax ka bartay hab fikirka iyo fahamka maskaxeed ee YH , waxa uu qoray buugaag , kuwa kalana wuxuu u beddelay Carabi ,waxayna isugu jireen kuwa ka hadlaya ; siyaasadda, amniga iyo suugaanta , sababtoo ah wuxuu doonayay inay Falastiiniyiinta wax ka badan ka bartaan YH , kuwa ugu caan ee uu Carabiga u beddelay waxaa ka mid ah ; Shin Bet From the Frames ee ay qortay Carmi Gilon, kaas oo ah buug ku saabsan hannaanka amniga gudaha ee Israa&#8217;iil, buugga Xisbiyada Israa&#8217;iil ee 1992, oo qeexaya xisbiyada siyaasadeed ee Israa&#8217;iil, barnaamijyadooda iyo isbeddellada muddadaas.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Marka laga sii daayay xabsiga iyo dhaqaaqiisa ciidan iyo siyaasadeed.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Yahya Sinwar ayaa la sii daayay 2011-kii, wuxuuna ka mid ahaa in ka badan kun maxbuus oo la sii daayay si loogu beddelo askari Israa\u2019iili ah Gilad Shalit. Heshiiska ayaa la soo gabagabeeyey ka dib in ka badan 5 sanno oo Shalit uu ku qaatay Qasa oo uu maxbuus ku ahaa , Israa&#8217;iil kuma aysan guuleysan intii ay ku jirtay duulaankeedii Qasa ee dhamaadkii 2008 si ay usoo furato. Kaddib markii uu xabsiga ka baxay, Sinwar waxa loo doortay xubin ka tirsan Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas intii lagu jiray doorashadii gudaha ee dhaqdhaqaaqa sannadkii 2012. Waxa kale oo uu la wareegay mas&#8217;uuliyadda garabka milatari ee Guutooyinka Qasaam, waxaana uu qabtay hawsha isku dubaridka ee u dhaxaysa xafiiska siyaasadda iyo hoggaanka guutooyinka. Wuxuu door weyn ka ciyaaray isku xirka dhinacyada siyaasadda iyo militariga ee dhaqdhaqaaqa intii lagu jiray duulaankii Israa\u2019iil ee Mariska Qasa ay ku soo qaaday 2014. Markii uu dhamaaday duulaankaa, Sanwar ayaa baaritaanno iyo qiimeyn ballaaran ku sameeyay taliyeyaasha ciidamada, taasoo keentay in shaqada laga eryo madax caan ah oo ka tirsan Xamaas.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Sannadkii 2015, dhaqdhaqaaqa Xamaas waxay u magacaabeen qofka mas&#8217;uul ka ah faylka maxaabiista Israa\u2019iil, waxayna u xilsaareen inuu hoggaamiyo wada xaajood kasta oo lala galayo Israa&#8217;iil, iyadoo isla sanadkaas, Mareykanka uu ku daray liiska argagixisada caalamiga ah, halka ay markaa Israa\u2019iil u aqoonsatay shaqsiyaadka ay ugu doonista badan tahay. February 13, 2017, waxaa loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda dhaqdhaqaaqa ee Marinka Qasa, jagada uu markaa hayay Ismaaciil Haniyeh oo u dalatay madaxa guud ee siyaasadda ee Xamaas. Muddadaas waxa uu isku dayey in uu hagaajiyo xiriir ka dhexeeya dhaq-dhaqaaqa Xamaas ee Qasa iyo ururka Fatax ee maamulka Falastiiniyiinta oo uu hoggaamiyo, Maxamuud Cabbdd ee Daanta Galbeed, iyo in la soo afjaro kala qaybsanaanta siyaasadeed ee dhulka falastiiniyiinta , si loo gaaro dib u heshiisiin qaran, balse isku daygaas ayaa ku dhammaaday guuldarro.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Waxa kale oo uu ka shaqeeyay hagaajinta xidhiidhka Masar, isaga oo qayb ka ah wafdi siyaasadeed iyo amni oo Qaahira kula kulmay madax ka socotay sirdoonka Masar sanadkii 2017, markaa oo laga wada-hadlay arrimo la gaaray heshiisyo la xiriira amniga xadduudaha. Bishii Maarso 2021, waxaa loo doortay madaxa dhaqdhaqaaqa Xamaas ee Qasa muddo 4 sanno ah. Gurigiisa ayaa dhowr jeer la duqeeyay, iyadoo duqeyn ay Israa\u2019iil la beegsatay gurigiisa sannadkii 2912 lagu burburiyay , mar kale ayaa goobta uu degganaa la duqeeyay inta lagu jiray duullaankii Israa\u2019iil ee dhacay 2014-kii, ka dibna duqeynta Israa\u2019iil bishii May 2021-kii.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Sinwar waxa lagu tilmaamaa shakhsi feejigan oo aan hadal badnayn oo ay naadir tahay in uu ka soo muuqdo fagaarayaasha, waxa uu sidoo kale leeyahay xirfaddo hoggaamineed oo sarreeysa, waxana uu saamayn xooggan ku leeyahay xubnaha dhaqdhaqaaqa.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Yahya Sinwar iyo daadka Al-Aqsa oo ah marxaladda dagaal ee hadda lagu jiro; Kadib howlgalkii daadadka Al-Aqsa 7-dii October, Yahya Sinwar waxa uu noqday ninka ay ugu doonista badan tahay Israa\u2019iil , marka laga soo tago Maxamed Deif, oo ah taliyaha guud ee guutooyinka Qasaam.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Marka ay gudaha usoo galeen ciidanka Israa\u2019iil iyo bilowgii dagaalka Israa\u2019iil ayaa ku sheegtay ka takhalusidda hoggaamiyayaasha Xamaas inay u tahay hadafkii ugu muhiimsanaa ee istiraatijiyadeed ee howlgalka ciidamada Israa\u2019iil ee Marinka Qasa, qofka ugu muhiimsan ee ay doonayaan ayay markaa ku sheegeen inuu yahay Sinwar oo ay u arkaan inuu yahay maskaxdii ka dambeysay weerarkii 7-dii October.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">14-kii November 2013, Ingiriiska ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay hoggaamiyeyaasha Xamaas, oo ay ku jiraan xannibaadda hantida iyo mamnuucidda safarka, waxaana ka mid ahaa Sinwar. November 30, 2023 mas&#8217;uuliyiinta Faransiisku waxay soo saareen go&#8217;aan lagu xayirayo hantida Sinwar muddo lix bilood ah.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Sinwar ayaan ka soo muuqan meel fagaare ah intii uu socday dagaalka, wargeyska Haaretz ayaa sheegay in uu la kulmay qaar ka mid ah maxaabiista Israa\u2019iil intii ay ku xirnaayeen Qasa, wuxuuna ugu sheegay luqadda Cibraaniga in ay ku sugan yihiin meesha ugu nabdoon oo aysan la kulmi doonin wax dhibaato ah. December 6, 2023, Netanyahu ayaa ku dhawaaqay in ciidamada Israa&#8217;iil ay hareereeyeen goob uu ku sugnaa Sinwar, balse howlgalka ma noqon mid guuleysta.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">May 20, 2024, Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada, Karim Khan, ayaa ku dhawaaqay inuu u gudbiyay maxkamadda codsi ah inay soo saarto amar qabasho oo ka dhan ah Netanyahu, Yoav Gallant, iyo dhinaca kale, Yahya Sinwar, Maxamed Deif, iyo Ismaaciil Haniyeh, isagoo markaa ku eedeyay dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini&#8217;aadantinimada ka dib dhacdooyinkii Oktoobar 2023. Kaddib markii toddobaadkii hore Tehran, lagu dilay madaxii xafiiska siyaasadda ee Xamaas, Ismaaciil Haniyeh, dhaqdhaqaaqa Xamaas ayaa saacado ka hor ku dhawaaqay in Yahya Sinwar uu noqonayo hoggaamiyaha cusub iyo cidda beddelaysa Haniyeh, taa oo ka dhigan markii labaad oo ay jago isku banneeyeen. Osama Xamdaan, oo ka mid ah hoggaamiyaasha sare ee Xaamas, ayaa goor u dhow u sheegay Al-jazeera in magacaabiista Sinwar inay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen hoggaamiyayaasha dhaqdhaqaaqa, isagoo go\u2019aanka magacaabiistiisa ku sheegay inay ka marqaati kacayso in \u2018hoggaanka Xamaas ay la socdaan marxaladda waqtigan lagu jiro \u2018.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s x126k92a\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Yahya Ibrahim Hassan Sinwar ayaa dhawaan loo doortay Hoggaamiyaha dhinaca siyaasadda ee Ururka Xamas, kadib markii uu geeriyooday Hoggaamiyihii hore, Yaxya Sinwar oo ahaa madaxa dhaqdhaqaaqa iska caabinta Islaamiga ah ee Xamaas ee marinka Qasa, ayaa saacad ka hor dhaqdhaqaaqa wuxuu sheegay in loo magacaabay hoggaamiyaha ugu sarreeya ama madaxa xafiiska siyaasadda, kaddib markii weerar [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":518574,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-518567","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518567","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=518567"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518567\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":518577,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518567\/revisions\/518577"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/518574"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=518567"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=518567"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=518567"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}