{"id":518119,"date":"2024-07-31T21:55:06","date_gmt":"2024-07-31T18:55:06","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=518119"},"modified":"2024-07-31T21:55:06","modified_gmt":"2024-07-31T18:55:06","slug":"dowladda-soomaaliya-oo-cambaareysay-dilka-ismaaciil-haniya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-soomaaliya-oo-cambaareysay-dilka-ismaaciil-haniya\/","title":{"rendered":"Dowladda Soomaaliya oo cambaareysay dilka Ismaaciil Haniya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa&#8217;iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani\u2019aadamnimada.<\/p>\n<p>&#8220;Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo ka dhan ah dadka rayidka ah, taasoo ka dhalin karta isku dhac ballaaran oo hubeysan bariga dhexe&#8221; ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilalka siyaasadeed iyo rabshadaha nooc kasta ah, iyadoo aan loo eegin sababaha ka dambeeya.<\/p>\n<p>Waxaan ku adkeysaneynaa baahida loo qabo in bulshada caalamku qaaddo mas\u2019uuliyadooda oo ay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah si loo joojiyo weerarka Israa\u2019iil ee Gaza iyo xadgudubyada ay ku hayso sharciga caalamiga ah iyo go\u2019aannada Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>Soomaaliya waxay u tacsiyeynaysaa dowladda Falastiin ee walaalaha ah, shacabka Falastiin, iyo qoyskii Dr. Haniya iyo asxaabtiisii, allaha u naxariistee.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay cambaareynaysaa dilka maamulka Israa&#8217;iil uu u geystay hogaamiyihii xafiiska siyaasadda ee Xamaas Ismaaciil Haniya, allaha u naxariistee, kaas oo ka dhacay magaalada Tehran ee dalka Iiraan, falkaas oo ka soo horjeeda sharciga caalamiga ah ee bani\u2019aadamnimada. &#8220;Soomaaliya waxay ka digaysaa kororka rabshadaha oo keeni kara xadgudubyo dheeraad ah oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":514936,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-518119","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518119","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=518119"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518119\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":518120,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/518119\/revisions\/518120"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514936"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=518119"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=518119"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=518119"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}