{"id":517834,"date":"2024-07-28T09:30:35","date_gmt":"2024-07-28T06:30:35","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=517834"},"modified":"2024-07-28T09:31:28","modified_gmt":"2024-07-28T06:31:28","slug":"maareeyaha-hayadda-nira-oo-la-kulmay-guddoomiye-ku-xigeenka-midowga-hayadaha-dalka-ngos-consortium","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maareeyaha-hayadda-nira-oo-la-kulmay-guddoomiye-ku-xigeenka-midowga-hayadaha-dalka-ngos-consortium\/","title":{"rendered":"Maareeyaha Hay&#8217;adda NIRA oo la kulmay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay&#8217;adaha Dalka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Hay&#8217;adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay&#8217;adaha Dalka (NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay&#8217;addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka aqoonsiga qaranku muhiim ugu yahay dadaallada gargaarka bini&#8217;aadannimo ee ay ku hawlan yihiin.<\/p>\n<p>Labada dhinac ayaa isla meel dhigay sidii la isaga kaashan lahaa dardargelinta diiwaangelinta dadka baahida u qaba gargaarka bini&#8217;aadannimo, si ay u noqdaan kuwo la aqoonsan yahay oo qayb ka ah Nidaamka Aqoonsiga Qaranka, iyada oo la isla qaatay in lasii wado dadaalada ku aaddan sidii loo heli lahaa hannaan wada-shaqayn iyo iskaashi oo ku aaddan diiwaangelinta dadka gargaarka bini&#8217;aadannimo u baahan ee ku dhaqan gobollada dalka, sida barakacayaasha ay saameeyeen dagaallada, fataahadaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240728_092803_239.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Maareeyaha Hay&#8217;adda NIRA, Mudane Abdiweli Timacade , ayaa kulan la qaatay Guddoomiye Ku-xigeenka Midowga Hay&#8217;adaha Dalka (NGOs Consortium), Mudane Cabdulqaaddir Maxamed Axmed. Maareeyaha ayaa warbixin kooban ka bixiyay dadaallada ay Hay&#8217;addu ugu jirto dardargelinta diiwaangelinta dadweynaha, taas oo udub-dhexaad u ah dib u soo kabashada dowladnimadda Soomaaliyeed. Guddoomiye Cabdulqaaddir ayaa dhankiisa ka warbixiyay sida hannaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":517835,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-517834","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517834","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=517834"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517834\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":517837,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517834\/revisions\/517837"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/517835"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=517834"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=517834"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=517834"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}