{"id":517660,"date":"2024-07-25T11:11:31","date_gmt":"2024-07-25T08:11:31","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=517660"},"modified":"2024-07-25T11:13:57","modified_gmt":"2024-07-25T08:13:57","slug":"sheekh-cismaan-xiddig-waa-ilayskii-islaamka-wq-maxamuud-cali-aadan-hoorri","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sheekh-cismaan-xiddig-waa-ilayskii-islaamka-wq-maxamuud-cali-aadan-hoorri\/","title":{"rendered":"SHEEKH CISMAAN-XIDDIG: \u201cWAA ILAYSKII ISLAAMKA\u201d  WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)"},"content":{"rendered":"<p>Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; \u201cHaddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn\u201d. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba\u2014geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha kala duwan ee Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Madaxda qaranka Soomaaliyeed oo idil ayaa dhanbaallo tacsi ah ka bixiyay, aqoonyahanka kala duwan ayaa iyana si weyn uga tacsiyeeyay, ardayda iyo xerta ku fooggan barashada diinta Islaanka ayaa iyana muujiyey murugo iyo baroordiiq dhulka ruxday.<\/p>\n<p>Sidoo kale, geeridani\u00a0 waxa ay noqotay mid ay ka falceliyeen\u00a0 dhammaan hay\u2019adaha iyo xarumaha\u00a0 qaabbilsan arrimaha diinta Islaamka iyo owqaafta sida; golaha culumada dalka Ciraag, majliska culumada dalka Itoobiya, golaha culumada dalka Jabuuti, gola-weynaha caalamka Islaamka, iyo\u00a0 qaar kaloo ka mid ururrada qaabbilsan\u00a0 faafinta dacwada ee diinta Islaamka.<\/p>\n<p>Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu\u00a0 xijaabtey 20kii Julaay 2024, isaga oo ku allaystay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho. Sheekhu waxa uu ahaa macallin ku caanbaxay faafinta diinta Islaanka, fidinta shareecada, baahinta aragtida dhexdhexaadka ah ( \u0627\u0644\u0641\u0643\u0631 \u0627\u0644\u0648\u0633\u0637\u064a \u0623\u0648 \u0627\u0644\u0641\u0643\u0631 \u0627\u0644\u0645\u0639\u062a\u062f\u0644) iyo yaraynta karaahiyada iyo fikirka gurracan ee xagjirka ah (\u0627\u0644\u0641\u0643\u0631 \u0627\u0644\u0645\u062a\u0637\u0631\u0641). Waxa, Alle ha u naxariistee, darka Sheekha arday aad iyo aad u fara badan, waxa ku canqartay ardaaga Sheekha dhallinyaro kala duwan, waxa ka hirqaday durdurka Sheekha boqollaal culimo ah\u2014barasho iyo barbaaridba waxa uu u ahaa astaan lagu soo hirto oo loo la soo irkado meselooyinka diinteenna xaniifka ah; Eebbe-Weyne ha u naxariisto, gokiisana ha ka yeelo beer ka mid ah beeraha jannadee.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Sheekh Cismaan-Xiddig waxa uu ka tagay marax-diimeed, mahadho fac weyn iyo dhaxal-diimeed oo lagu xusuusan doono. Waxa uu allifay ama uu qoray kutub tayadoodu sarrayso, leh dux, dhadhan, dhosoq iyo mullaax aad u qiimo badan. Kutubtiisu, waa\u00a0 mid gaartay dhammaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed, weliba iyadoo u tallowday daafaha caalamka iyo waddamada deriska gaar ahaan kuwa Afrika. Haddii aan soo koobo, way badan yihiine, inta ugu caansan ama shaacbaxay ee waxsoosaarka Sheekha waxaa ka mid ah:<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<ol>\n<li>\u0627\u0644\u0645\u0642\u0627\u0635\u062f \u0627\u0644\u0633\u0646\u064a\u0629 \u0641\u064a \u0623\u062d\u0648\u0627\u0644 \u0627\u0644\u0623\u0648\u0644\u064a\u0627\u0621 \u0648\u062a\u0631\u0627\u062c\u0645 \u0623\u0639\u0644\u0627\u0645 \u0627\u0644\u0633\u0627\u062f\u0629 \u0627\u0644\u0635\u0648\u0641\u064a\u0629 \u064a\u0642\u0639 \u0641\u064a4 \u0645\u062c\u0644\u062f\u0627\u062a \u0636\u062e\u0645\u0629<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u062a\u064a\u062c\u0627\u0646 \u0627\u0644\u0645\u0643\u0644\u0644\u0647 \u0634\u0631\u062d \u0627\u0644\u0646\u0635\u0627\u0626\u062d \u0627\u0644\u0645\u0631\u0633\u0644\u0629<\/li>\n<li>\u0625\u0642\u0646\u0627\u0639 \u0627\u0644\u0645\u0624\u0645\u0646\u064a\u0646 \u0628\u062a\u0628\u0631\u0643 \u0627\u0644\u0635\u0627\u0644\u062d\u064a\u0646<\/li>\n<li>\u0645\u0646\u064a\u0629 \u0627\u0644\u0644\u0628\u064a\u0628 \u0641\u064a \u0627\u0644\u062a\u0628\u0631\u0643 \u0628\u0622\u062b\u0627\u0631 \u0627\u0644\u062d\u0628\u064a\u0628<\/li>\n<li>\u0628\u063a\u064a\u0629 \u0627\u0644\u0623\u0631\u064a\u0628 \u0641\u064a \u0627\u0644\u062a\u0648\u0633\u0644 \u0628\u0623\u0633\u0645\u0627\u0621 \u0627\u0644\u062d\u0628\u064a\u0628<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0645\u0646\u0647\u0644 \u0641\u064a \u0623\u062f\u0644\u0629 \u0627\u0644\u062a\u0648\u0633\u0644<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u062a\u062d\u0641\u0629 \u0641\u064a \u0646\u0634\u0631 \u0645\u062d\u0627\u0633\u0646 \u0627\u0644\u0628\u0631\u062f<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0644\u0622\u0644\u064a \u0627\u0644\u0633\u0646\u064a\u0629 \u0641\u064a \u0645\u0634\u0631\u0648\u0639\u064a\u0629 \u0645\u0648\u0644\u062f \u062e\u064a\u0631 \u0627\u0644\u0628\u0631\u064a\u0629<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u062a\u0628\u064a\u064a\u0646 \u0641\u064a \u0623\u062f\u0644\u0629 \u0627\u0644\u062a\u0644\u0642\u064a\u0646<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0645\u0646\u062d \u0627\u0644\u0648\u0647\u0628\u064a\u0629 \u0641\u064a \u0630\u0645 \u0627\u0644\u0642\u0628\u0644\u064a\u0629 \u0648\u0627\u0644\u0639\u0635\u0628\u064a\u0629<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0645\u0646\u062a\u062e\u0628 \u0634\u0631\u062d \u0623\u0648\u0631\u0627\u062f \u0645\u0631\u062d\u0628<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u062a\u0648\u0636\u064a\u062d \u0634\u0631\u062d \u0623\u0630\u0643\u0627\u0631 \u0627\u0644\u062a\u0633\u0628\u064a\u062d<\/li>\n<li>\u0623\u0646\u064a\u0633 \u0627\u0644\u062c\u0644\u064a\u0633 \u0641\u064a \u062a\u0631\u062c\u0645\u0629 \u0633\u064a\u062f \u0623\u062d\u0645\u062f \u0628\u0646 \u0625\u062f\u0631\u064a\u0633<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0631\u0633\u0627\u0644\u0629 \u0627\u0644\u0628\u0647\u064a\u0629 \u0641\u064a \u0645\u0634\u0631\u0648\u0639\u064a\u0629 \u0627\u0644\u062a\u0644\u0641\u0638 \u0628\u0627\u0644\u0646\u064a\u0629<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0628\u0631\u0647\u0627\u0646 \u0641\u064a \u062c\u0648\u0627\u0632 \u0627\u0644\u0630\u0643\u0631 \u0628\u0644\u0641\u0638 \u0647\u0648 \u0644\u0644\u0645\u0644\u0643 \u0627\u0644\u062f\u064a\u0627\u0646<\/li>\n<li>\u062f\u064a\u0648\u0627\u0646 \u0627\u0644\u0642\u0635\u0627\u0626\u062f \u0648\u0627\u0644\u0645\u062f\u0627\u0626\u062d \u0627\u0644\u0646\u0628\u0648\u064a\u0629<\/li>\n<li>\u0625\u0631\u0634\u0627\u062f \u0627\u0644\u0637\u0627\u0644\u0628 \u0625\u0644\u0649 \u0623\u062d\u0643\u0627\u0645 \u0627\u0644\u0634\u0627\u0631\u0628<\/li>\n<li>\u062a\u0646\u0628\u064a\u0647 \u0627\u0644\u0623\u0643\u064a\u0627\u0633 \u0639\u0644\u0649 \u0645\u0633\u0627\u0648\u064a \u0627\u0644\u0648\u0633\u0648\u0627\u0633<\/li>\n<li>\u0627\u0644\u0646\u0635\u0627\u0626\u062d \u0627\u0644\u0645\u0631\u0633\u0644\u0629 \u0625\u0644\u0649 \u0637\u0644\u0627\u0628 \u0627\u0644\u0639\u0644\u0645 \u0644\u0644\u0647 \u0648\u0627\u0644\u0622\u062e\u0631\u0629<\/li>\n<\/ol>\n<p>Xogaha qaarkood ayaa tilmaamaya in ay jiraan kutub kale oo\u00a0 aan weli la daabicin ama aan loo gudbin dad weynaha iyo bahweynta xerta Soomaaliyeed. Sheekhu waxa uu ahaa nin aad u kasmo badan, leh garasho iyo gudasho sarraysa, waxa uu ahaa naasix waaya-arag ah, qareen iyo caroog bulsho, kuna hubaysan aqoon iyo xeeldheeri mug leh. Sheekh Cismaan-Xsdig,\u00a0 uu ahaa barbaariye gardaadshay kumanyaal culimo ah iyo dhallinyaro Soomaaliyeed oo harada cilmigiisa ka durduurtay.<\/p>\n<p>Mar uu Sheekhu ka hadlayey xuska dhalashada Nebiga (SCW) ayuu ku tilmaamay in tahay arrin mudnaanteeda leh muunaynta ku dheehan darteed. Waxa uu intaas ku daray in ay tahay arrin xanbaarsan weynayn iyo ixtiraam heer sare ah. Weliba waxa uu si qotadheer u tilmaamay\u00a0 in xuska mawliidku yahay mid ku suntan farxad iyo baraare, raynrayn iyo damaashaad; wacyigelin iyo baraarujin; nasasho iyo tamashlayn lagu majeerto carruuraha iyo dhallinyarada kala duwan.<\/p>\n<p>Sidoo kale, markuu Sheekhu bidhaaminayay foolxumada jahliga iyo halaagga uu u geysto basharka, ayuu iftiimiyey in dhibkuba yahay aqoon darro ka jirta dhanka barashada, fahanka iyo dhuuxidda diinta Islaamka\u2014ereyo kooban oo laga dhegaysto cajilo duuban, muxaadarooyin kooban oo lagu kadsoomo, hanafsi yar oo mareegaha laga bowsado, fadwo golakafuul ah oo ka maran dhiraan-dhirin iyo sugid ayaa sababay jaahwareer iyo jidbo aan dabar laheyn.<\/p>\n<p>Sheekh Cismaan-Xiddig waxa ahaa shakhsi fiiro dheer oo indheergarad ah, aragti fog oo buunni ku ah lurbixinta arrimaha iyo xaaladaha bulshadiisa la soo gudboonaada. Waxa kale oo iyadana mudan in la muujiyo, dadkana loo tebiyo qaabka quruxda badan ee uu fahansaa in bulshada lagu ilaaliyo seeraha danaha qaranka iyo jiritaankeeda sooyaal. Waa hubaal inuu si mug leh oo dhidban u sheegay caqiidada suubban iyo mad-habka ummaddani kaga soocan tahay ummadaha kale ee qaafilka ah ama baadiyoobay.<\/p>\n<p>Intaas ka dib, maansadin, waa baroordiiq iyo duco\u00a0 aan Ilaahay ku tuugayo, waa durraan iyo isbihinbihin aan ku muujinayo tabaryarida iyo\u00a0 xanuunk geeridu leedahay, gaar ahaan, tan ku timaadda culumada iyo dadka indhaha u ah bulshada inteeda kale.Ereydan waxa aan si dgedeg ugu curiyey safar ku jooga magaalada Hadaaftimo ee gobolka Sanaag 22kii Julaay 2024kiic dhawr cisho ka dib geeridii Sheekheennii caabidka ahaa, xurmadle, Sheekh Cismaan-Xiddig (AHUN):-<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow<\/p>\n<p>Alcasiis\u00a0 alwakiilow Alqudduus alfataaxow<\/p>\n<p>Aljabbaar alxakiimow Alnaciim alqadiirow<\/p>\n<p>Alqafuur alqafaarowAlbasiir alcaliimow<\/p>\n<p>Albadiic almatiinow\u00a0 Alwudduud almujiibow<\/p>\n<p>Ilaahii qudraddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo<\/p>\n<p>Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay<\/p>\n<p>In addoonku ahaado Axad kaa amarqaata<\/p>\n<p>Ku adkaada salaadda Oofiyoo xajka booqda<\/p>\n<p>Ooga oo saka dhiiba.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahii mulkigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo<\/p>\n<p>Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay<\/p>\n<p>In adduunkan la joogo Amarkaagu ku baahay<\/p>\n<p>Ku abuuray makhluuqa Ku ekeeyey sinnaantiyo<\/p>\n<p>Inaanuu dhan u iilan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahii nasrigiisiyo Awooddiisu sarraysiyo<\/p>\n<p>Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay<\/p>\n<p>Arladaa waxa yaalliyo Wixii uurka ku nooliyo<\/p>\n<p>Intii uubba ku aasan Iyagoo u hooggaansan<\/p>\n<p>Aayaadkaaga ilhaamkiyo Waxyigaaga yaqiinsan.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahii raxmaddiisiyo Awooddiisu sarraysiyo<\/p>\n<p>Amarkiisu ahaadayow Adigaa xaq u yeeshay<\/p>\n<p>Inaan maanta ku tuugo Anigoo arrad muujay<\/p>\n<p>Anigoo ka afaystay\u00a0 Wixii oon la cunaayat:<\/p>\n<p>Anigoo ka fogaaday Ardaagii la ag joogay<\/p>\n<p>Anigoo arki waayey Wixii oog la shidaayay.<\/p>\n<p>Anigoo socon waayay Ililii dadku jeexday<\/p>\n<p>Anigoo garan waayay Ubbadii i ag taallay.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye<\/p>\n<p>Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu<\/p>\n<p>Axkaam noo meerinayee Dhallaankii ababsheeyee<\/p>\n<p>Anqarshoo wax baree Ilaahow jannadaadiyo<\/p>\n<p>Alfardowsa ku arsaaq.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye<\/p>\n<p>Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu<\/p>\n<p>Udgoonow Nebigaaga (SCW) Siiradiisa anuuggiyo<\/p>\n<p>Asalkeedu wacnaa \u00a0Aslayoo afnaqaayee<\/p>\n<p>Ilaahow jannadaadiyo Alfardowsa ku arsaaq.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Ilaahow aqbalkaagiyo Ajiibtaan sugayaaye<\/p>\n<p>Addoonkaaga Allaystay Ka ayaan ka ayaan buu<\/p>\n<p>Dadka oo la islaaxshiyo \u00a0Colaaddoo la afmeeriyo<\/p>\n<p>Nabaddoo la asteeyiyo \u00a0Ummaddoo isku ood ah<\/p>\n<p>Isku meelna ujeedda Heshiisoo anbaqaadda<\/p>\n<p>Cimrigiis ku afneeyee Ilaahow jannadaadiyo<\/p>\n<p>Alfardows ku arsaaq.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Alraxmaan bismillaahi Alwahaab alraxiimow<\/p>\n<p>Alcasiis\u00a0 alwakiilow \u00a0Alqudduus alfataaxow<\/p>\n<p>Aljabbaar alxakiimow \u00a0Alnaciim alqadiirow<\/p>\n<p>Alqafuur alqafaarow Albasiir alcaliimow<\/p>\n<p>Albadiic almatiinow\u00a0 Alwudduud almujiibow<\/p>\n<p>Weligaagan allaystay Caabid weeye addoon ah<\/p>\n<p>Waa ilayska Islaankiyo Waa Amiirka axbaabtiyo<\/p>\n<p>Waa cimlaaqa akhlaaqdiyo Waa hormuudka abyoone<\/p>\n<p>Axaadiista Rasuulkiyo (SCW) Tafsiirkuu afka saariyo<\/p>\n<p>Werdiguu akhrinaayiyo Irsiguu ka xijaabtiyo<\/p>\n<p>Acmaashuu ku gaboobey Ilaahow Alkumoow<\/p>\n<p>Adduun baa waxba oolle Aakhiraa na sugaysee<\/p>\n<p>Marka iilka la seexsho Ilaahow jannadaadiyo Alfardowsa ku arsaaq.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>WQ: Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Basharku waa geeri-u-joog, Soomaaliduna waxa ay ku maahmaahdaa; \u201cHaddii geeri ku dayso, gabow baan ku daynayn\u201d. Dhimashadii iyo geeridii ku timid caalinkii weynaa, caabidkii baarriga ahaa, foolaadkii mar-la-aragga ahaa, hormuudkii filkii ka tilmaannaa, maqaddimkii qiimiga weynaa, waracii xalaalmiiradka ahaa, macallinkii ka suntanaa culimada Soomaaliyeed iyo kuwa Geeska Afrikaba\u2014geeridani, waxa ay ahayd mid gilgishay dhammaan shacabweynaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":517665,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-517660","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517660","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=517660"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517660\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":517667,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517660\/revisions\/517667"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/517665"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=517660"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=517660"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=517660"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}