{"id":517351,"date":"2024-07-21T11:22:43","date_gmt":"2024-07-21T08:22:43","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=517351"},"modified":"2024-07-21T11:34:26","modified_gmt":"2024-07-21T08:34:26","slug":"xeer-ilaalinta-qaranka-oo-raashiin-dhacay-ku-celisay-dalkii-laga-keenay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xeer-ilaalinta-qaranka-oo-raashiin-dhacay-ku-celisay-dalkii-laga-keenay\/","title":{"rendered":"Xeer-ilaalinta Qaranka oo Raashiin dhacay ku celisay dalkii laga keenay"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dakadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas oo gaarayay 7 kunteenar, iyadoo la wadaagtay hay\u2019adaha baarista dalka.<\/p>\n<p>Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa hay&#8217;adda taya-dhoorka kala wareegay Kiiskaan, isagoo tan iyo bishii 3-aad baari ku hayay, iyagoo ugu dambeyn soo bandhigay inuu yahay burka mid dhacay, taas oo keentay in maanta oo Axad ah dalkii laga keenay dib loogu celiyo.<\/p>\n<p>Xeer ilaaliye Mustaf Macalin Cali Salaad<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240721_112824_938.sdocx-->\u00a0oo dekedda Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in la go\u2019aamiyay in Burkan lagu celiyo dalkii laga soo dhoofiyay oo ah waddanka Turkiga,.mag-dhawna laga qaaday shirkadii laheyd raashiinka dhacay.<\/p>\n<p>&#8220;Baaritaan dheer oo caddeymo lagu lifaaqay oo maxkamadda iyo xafiiska xeer ilaalinta ugu jira ay wadaageen waxaa go\u2019aan lagu soo saaray in lagu celiyo meeshii laga keenay, todobada kunteenar waa la raray annaga oo ku hubinay mid walba inuu yahay sidii lagu keenay laga soo bilaabo maalinkii la qabtay, illaa hadda waxaa ilaaliyay oo gacanta ku hayay ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee saldhigga dekedda\u201d.<\/p>\n<p>Xeer ilaaliyaha ayaa intaa ku daray in warbixinta baariiseedkan ay la wadaagi doonaan dowladda Turkiga, si loola xisaabtamo shirkadda soo daabusha oo dalkaas laga leeyahay.<\/p>\n<p>\u201cDukumintiyada iyo caddeymaha la helay iyo warbixin baariseedka la sameeyay waxaa qaab diblumaasiyadeed loo gaarsiin doonaa dowladda Turkiga, ayada oo loo marsiinayo wasaaradda arrimaha dibadda, oo lala wadaagaayo safaaradda Turkiga\u201d.<\/p>\n<p>Dhanka kale hay&#8217;adda Taya-dhowrka ayaa digniin culus u diray shirkadaha iyo ganacsatada soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in tilaabo adag laga qaadi doono cid kasata oo rashiin dhacay dalka soo galiso.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-517357 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007.jpg\" alt=\"\" width=\"1600\" height=\"900\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007.jpg 1600w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007-1536x864.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0007-860x484.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1600px) 100vw, 1600px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-517358 size-medium\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-1536x864.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003-860x484.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0003.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-517359\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-1536x864.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002-860x484.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0002.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-medium wp-image-517361\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-300x169.jpg\" alt=\"\" width=\"300\" height=\"169\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-300x169.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-1024x576.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-768x432.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-1536x864.jpg 1536w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1-860x484.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/07\/IMG-20240721-WA0005-1.jpg 1600w\" sizes=\"auto, (max-width: 300px) 100vw, 300px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Xafiiska xeer ilaalinta Qaranka ayaa qaaday tallaabo culus oo ku aadan Raashin dhacay oo 7-bishii Maarso ee sanadkaan lagu qabtay dakadda magaalada Muqdisho, kaas oo la doonayay in loo suuq geeyo suuqyada dalka. Hay\u2019adda Taya-dhowrka Soomaaliyeed oo daba-gal ku sameysay raashinkan oo uu noociisu ahaa Bur ayaa ogaatay in uu yahay mid dhacay, kaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":517354,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-517351","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517351","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=517351"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517351\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":517366,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/517351\/revisions\/517366"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/517354"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=517351"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=517351"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=517351"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}