{"id":516831,"date":"2024-07-13T08:59:21","date_gmt":"2024-07-13T05:59:21","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=516831"},"modified":"2024-07-13T11:00:00","modified_gmt":"2024-07-13T08:00:00","slug":"saraakiil-ka-socotay-booiska-soomaaliya-oo-tababar-lagu-baranayay-la-dagaalanka-khawaarijta-loogu-soo-xiray-masar","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/saraakiil-ka-socotay-booiska-soomaaliya-oo-tababar-lagu-baranayay-la-dagaalanka-khawaarijta-loogu-soo-xiray-masar\/","title":{"rendered":"Saraakiil ka socotay Booliska Soomaaliya oo tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta loogu soo xiray Masar"},"content":{"rendered":"<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa lagu soo gebagebeeyay tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta oo loo qabtay Saraakiil ka socotay Booliiska 36 dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ay ku jirto.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Koorsadaan oo socotay ku dhawaad laba bilood waxaa\u00a0kaalinta 1-aad ka galay Mustaf Salaad Yarow oo ka socda Booliska Soomaaliya, isagoo khudbad ka jeediyey xiritaankii koorsadaan.<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221; Anigoo ku hadlaayo magaceyga iyo kan saaxiibadeyda qeybta ka ah Koorsadan numbarkeedu yahay 360, kana socda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, anigoo xushmad weyn iyo mahadnaq aan la soo koobi karin u soo jeedinaayo Akadeemiyada Booliska ee wasaaradda arrimaha gudaha ee Masar, wakaaladda horumarinta ee Masar, wasaaradda arrimaha dibadda iyo xukuumadda Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar, kuwaas oo na siiyay fursad aan uga qeyb qaadaneyno koorsadan tababarka ah ee la dagaalanka argagixisada,&#8221; ayuu yiri Mustaf Salaad Yarow.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale, Mustaf Salaad Yarow, oo hadalkiis sii wata ayaa intaas ku daray in muddada uu socday tababarkan ay fursad u heleen aqoon iyo waayo aragnimo qoto dheer oo ku quseeya qibrad wax ku ool ah ku saabsan tababarka la dagaalanka Khawaarijta, sidoo kale, is-dhaafsiga aragtida iyo habab kala duwan oo ku saabsan tababarka.<\/div>\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa ka qeyb galay madaxweynaha Akadeemiyada Booliska Masar, ku-xigeenka xoghayaha guud ee wakaaladda horumarinta Masar, maamulaha xarunta cilmi-baarista ee Booliska iyo mas&#8217;uuliyiin kale, kuwaas oo dhammaantood ku ammaanay saraakiisha ka faa&#8217;ideystay tababarkan muhiimka ah sida ay u dhabar adeygeen muddadii uu socday.<\/div>\n<\/div>\n<div class=\"x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs xtlvy1s\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Magaalada Qaahira ee dalka Masar waxaa lagu soo gebagebeeyay tababar lagu baranayay la dagaalanka Khawaarijta oo loo qabtay Saraakiil ka socotay Booliiska 36 dal oo Afrika ah oo Soomaaliya ay ku jirto. Koorsadaan oo socotay ku dhawaad laba bilood waxaa\u00a0kaalinta 1-aad ka galay Mustaf Salaad Yarow oo ka socda Booliska Soomaaliya, isagoo khudbad ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":516832,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-516831","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516831","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=516831"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516831\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":516845,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516831\/revisions\/516845"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/516832"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=516831"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=516831"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=516831"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}