{"id":516608,"date":"2024-07-10T11:24:50","date_gmt":"2024-07-10T08:24:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=516608"},"modified":"2024-07-10T11:24:50","modified_gmt":"2024-07-10T08:24:50","slug":"kaamka-soomaalida-ee-gasa-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kaamka-soomaalida-ee-gasa-warbixin\/","title":{"rendered":"&#8216;Kaamka Soomaalida ee GASA&#8217; (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan u istaagay inay taageero u muujiyaan Walaalahooda Reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dulman Maarinka Gasa, waxayna Yuhuuddu ku hayaan dagaalo ba\u2019an ooay kaga barakiciyeen Dadka Shacbaka ahaa, iyagoo la dhacay Madaafiic aan loo meel dayeen, intii socday dagaalka lagu haya Dadkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in ka badan 40 kun, halka dhaawacana lagu yeeshay in ka badan 10 kun oo Ruux oo u badan Caruur iyo Haween, waxaana waliba u sii dheer in la hareereeyay oo ay u diiday in loo furo Marin la marsiiyo gargaarka uu Caalamka ugu talagalay in la gaarsiiyo Dadkaasi tabaaleysan.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Sooomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa caddeeyay mowqifka dowladda federaalka ee dagaalka ay Yuhuuddu ku hayso Dadka Reer Falstiin Gaar ahaa Marinka GSA, ayaa shaaca ka qaaday in Xamaas aysan aheyn Argagaxiso, ayna garab taagan yihiin dadka Soomaaliyeed. \u201cXamaas Argagixiso ma ahan waa urur xoreynayo dalkooda, waana inaan si buuxda u garab istaagno\u201d ayuu yiri Ra\u2019iisul-wasaare Xamza Cabdi Barre.<\/p>\n<p>Sidoo kale wuxuu su\u2019aallo ka keenay sababaha ay dowladaha waaweyn iyo kuwa u doodi jiray xuquuqda aadana ay uga aamusan yihiin illaa iyo hadda dhibaatada Falastiin. \u201cAaway dadkii xuquuqda bani\u2019aadamka ilaalin jiray?, aaway kuwii u dagaalami jiray carruurta? aaway kuwii haweenka u dagaalami jiray? aaway xaggee aadeen? ayuu yiri. Waxaa kale oo uu yiri \u201cFalastiiniga muslimka ah wuu dhintay, midka Yahuudiga ah ee muctadiga ah ee ku soo duulay ee gurigooda fadhiya waa la dilay miskiinkaas ayaa la leeyahay. Maanta inkastoo xanuun badan ina hayo annaga, haddana waxaa waajib ah inaanan hilmaamin waxa ka jira Falastiin\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in dowladda Soomaaliyeed ay weligeed Qudus u aqoonsanaan doonto caasimada Falastiin, ayna kasoo horjeedo boobka Israel. \u201cMa aqbaleyno, kamana tanaasuleyno dowladda Falastiin oo caasimadeedu tahay Qudus, weligeyn kama tanaasuleyno, waa inay dadka muslimiinta u duceeyaan walaaladaas\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>\u201cXal u helis la\u2019aanta Qaddiyadda Falastiin waxay sii ahaan doontaa mid waji gabax ku ah damiirka dunida,\u201d ayuu yiri ra\u2019iisul wasaare Xamse. Wuxuu Ra\u2019iisul wasaaruhu intaa ku daray isagoo af carabi ku khudbaynayey in Soomaaliya ay barbar taagan tahay Falastiiniyiinta \u201cWaxaan hoosta ka xariiqayaa in Soomaaliya ay sii wadi doonto difaacista xaquuqda aysan ka tanaasuli karin shacabka Falastiinyiinta ee aynu walaalaha nahay, iyo jaangoynta masiirkooda,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Haddaba Shacabka Soomaaliyeed oo ku fiican taakuleysta Dadka Muslimka ayaa bishii la soo dhaafay abaabulay bal sidii ay Dadkaasi Reer Falastiin gaara ahaan GASA ee hadba meel u qaxaaya loo gaarsiin karo wixii taakuleyn ah ee ay Dadka Soomaaliyeed ugu talagalaan, waxaase xusid mudan in Dalka Turkiye uu u baqoolay Shiikh Cabdi Xayi oo ka mid ah Culumaa\u2019udiinka Soomaaliyeed oo ay wehliyaan Culumo kale oo istaagay Taakuleynta Walaalahooda Reer Falastiin, iyagoo halkaasi kula kulmay qaar ka mid ah Culimada Reer Falastiin, waxaana la isla meel dhigay sidii loo gaarsiin karo ama loo kaalmeyn karo Dadkaasi Rafaadsan, waxayna Culimada Soomaaliyeed gudbiyeen lacag gaaraysay 70 Kun oo Dollarka Maraykanka ah oo ay ka soo aruuriyaan Shacabka Soomaaliyeed, islamarkiina waxaana la diyaariyay dhulkii laga dhigi lahaa Kaamka, iyadoo Kaamkaasi loo bixiyay \u2018Kaamka Soomaalida ee GASA\u2019, <strong>(\u0645\u062e\u064a\u0645 \u0627\u0644\u0635\u0648\u0645\u0627\u0644 \u0641\u064a \u063a\u0632\u0629<\/strong> )<\/p>\n<p>Lacagtaasi ayaa waxaa lagu iibiyay 100 Teendho oo kaafi karta Boqol Qoys ay middiiba gali karaan hal Qoys, waxaana loo bixiyay \u2018Kaamka Soomaalida ee Gasa\u2019, marka Soomaalidu way awoodii karaan inay Dadkaasi caawiyaan oo aan tari karno, durbadiina waa la degay Kaamkii, waxaana laga sameeyay Goobo ay ka mid ahaayeen Masaajid, meel ay Carruurtu ku ciyaaraan iyo Dugsiyo Quraan, waxaa kaloo farxad leh in Teendho ka mid aheyd Teendhooyin uu ka dhacay Guur cusub, waxaana u duceeyay Dadkii la baxay Sadaqadaasi Shiikh Cabdi Xayi, \u201c Ajar Allah aka siiyo intii la baxday Sadaqadaasi loo fidiyay Walaalaha Reewr Falstiin, waxaana aad u xusayaa Gabdhaha Soomaaliyeed oo door muuqda ka qaatay howshaasi, Owlaadood Ilaaheey Baari uga dhigo iyo intii kale la baxday sadaqadaasi\u201d, ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi.<\/p>\n<p>\u201cNolosha uu qof bini\u2019aadam ahi ku noolaan karo ayaa ka bilaabatay Kaamkaasi, waxaa la degan yahay Teendhooyinkii, Carruurtii oo cayaaraya, iyagoo wax loo qeybinaayo ilaa aad arkeyso sida meelaha kale oo kale ay tahay, biyihii ay dhansanayaan, Timaha ay jarayaan, xitaa Guur uu ka dhacayo mid ka mid ah Teendhooyinka, runtii nolol ayaa ka jirta meeshaasi, runtii Dadka Fatastiiniyiinta ah waa Dad aan is dhiibeyn una adkeydsanaya Qadar Alle\u201d,ayuu yiri Shiikh Cabdi Xayi oo ah Horjoogaha Kooxda u aruurinta Kaalmada Dadka Reer Falastiin gaar ahaan GASA.<\/p>\n<p>Sheekha oo ka jawaabayay su\u2019aal aheyd sida ay howshu u socoto, maadaama ay Dadkii degay Kaamkaasi ay Shacabka Soomaaliyeed ay wax ka sugayaan sidee ayay u socotaa soo Ururinta Lacagaha? Ayaa yiri:- \u201c aad baan ugu diyaargaroobayna anagoo kaashaneyna Shacabkeenna Soomaaliyeed, waxaana naloo soo sheegay ama aan u qorsheynay 100-kaasi Qoys, 30 Kun oo Doolar, macnaa Qoyskiiba waxaa ka gaaraya 300 Dollar, waana loo qeybiyay bishii dhammaatay ee Juun, bishan hadda socotana waan u heynaa, waana qeybineyna haddii ay bishan dhammaato, bilaha ku sii xigana diyaar ayaan u nahay inaan u soo aruurinno, waxaana hadda sii diyaarineynaa Bisha Agoosto iyo kuwa kaloo ku sii xigaba, dadaalka Shacabka Soomaaliyeed waa uu badan yahay\u201d.<\/p>\n<p><strong>By. C\/lahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shacabka Soomaaliyeed ayaa markaan u istaagay inay taageero u muujiyaan Walaalahooda Reer Falastiin gaar ahaan kuwa ku dulman Maarinka Gasa, waxayna Yuhuuddu ku hayaan dagaalo ba\u2019an ooay kaga barakiciyeen Dadka Shacbaka ahaa, iyagoo la dhacay Madaafiic aan loo meel dayeen, intii socday dagaalka lagu haya Dadkaasi ayaa waxaa la soo warinayaa inay ku dhinteen in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":516609,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-516608","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516608","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=516608"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516608\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":516610,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516608\/revisions\/516610"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/516609"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=516608"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=516608"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=516608"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}