{"id":516409,"date":"2024-07-06T15:14:54","date_gmt":"2024-07-06T12:14:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=516409"},"modified":"2024-07-06T15:14:54","modified_gmt":"2024-07-06T12:14:54","slug":"guddoomiyaha-golaha-shacabka-oo-khudbad-ka-jeediyey-furitaanka-kalfadhiga-5aad-ee-baarlamaanka-jfs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-golaha-shacabka-oo-khudbad-ka-jeediyey-furitaanka-kalfadhiga-5aad-ee-baarlamaanka-jfs\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo khudbad ka jeediyey furitaanka Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka JFS"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay.<\/p>\n<p>Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay uu ka shaqeeyay shuruuc muhiim u ah horumarka dowladnimo ee dalka, waxaana uu tilmaamay in shuruucdaas dhamaantood ay ahaayeen kuwo shacabka Soomaaliyeed indhaha ku haayeen maadaamaa ay dowladnimadeena muhiim u ahaayeen.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha Golaha Shacabka u qorsheysan kalfadhiga shanaad ay ka mid yihiin xulista xubnaha Soomaaliya ku matali doona Baarlamaanka Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa.<\/p>\n<p>Dhinaca kale waxa uu Xildhibaanada labada aqal ee Baarlamaanka dalka ku amaanay garab istaaga ay u muujiyeen ciidamada xoogga Dalka Soomaaliyeed Iyo dadka oo iska kaashanaya dagaalka dalka looga ciribtirayo Khawaariijta.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa xubnaha Baarlamaanka labadiisa aqal kula dardaarmay in ay kalfadhigan xooga saaraan ka shaqeynta shuruucda muhiimkau ah horumarka dowladnimo ee dalka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo khudbad ka jeediyay furitaanka kalfadhiga shanaad ee Baarlamaanka 11-aad ayaa waxaa uu ka hadlay waxyaabihii Baarlamaanka u qabsoomay kalfadhigii afaraad Iyo shuruucda u qorsheysan ka shaqeyntooda kalfadhiga shanaad ee maanta furmay. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed kalfadhigii lasoo dhaafay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":516410,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-516409","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516409","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=516409"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516409\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":516411,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516409\/revisions\/516411"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/516410"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=516409"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=516409"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=516409"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}