{"id":516327,"date":"2024-07-03T21:43:56","date_gmt":"2024-07-03T18:43:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=516327"},"modified":"2024-07-03T21:43:56","modified_gmt":"2024-07-03T18:43:56","slug":"madaxweynaha-mareykanka-oo-hambalyo-ku-aaddan-maalmaha-xoriyadda-la-wadaagay-madaxweyne-xasan-sheekh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-mareykanka-oo-hambalyo-ku-aaddan-maalmaha-xoriyadda-la-wadaagay-madaxweyne-xasan-sheekh\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Mareykanka oo hambalyo ku aaddan maalmaha xoriyadda la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Mudane Biden waxaa uu ugu horeyn ku bilaabay dhambaalkiisa, \u201dMudane Madaxweyne, Anigoo ka wakiil ah shacabka Mareykanka, waxaan shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ugu hambalyaynayaa xuska sanad guuradii 64-aad ee maalinta xoriyadda.\u201d<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka waxa uu ku bogaadiyay Soomaaliya horumarka Dowladda Federaalka ka sameysayso Dowlad dhiska.<\/p>\n<p>\u201cAnaga oo ah saaxiib weyn, qarankeena waxaa uu si wadajir ah u dhisayaa duni u wanaagsan carruurteenna iyo carruurta caalamka meelkasta oo ay joogaan. Dowladda Mareykanka waxay Soomaaliya ku taageersan tahay sii socoshada dedaalada lagu horumarinayo amniga, laguna dhisaayo kobac dhaqaale oo isku dhafan, horumarinta hanaanka dowliga ah, xuquuqda aadanaha iyo wax ka qabashada isbedelka cimilada iyo abaaraha,\u201d ayuu yirri Madaxweyne Biden.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Mareykanka waxa uu tallaabo tusaale cad ah ku tilmaamay doorashada Soomaaliya loo doortay kursiga aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.<\/p>\n<p>\u201cIn Soomaaliya dhowaan loo doortay in ay xubin ka noqoto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay tusaale u tahay horumarka wadankiinu gaaray iyo kalsoonida caalamku siiyay Soomaaliya,\u201d ayuu yiri.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Madaxweynaha Mareykanka ayaa sheegay in labada dhinac ee Soomaaliya iyo Mareykanka ay ka go\u2019an tahay sii wadidda xoojinta calaaqaad labada dal.<\/p>\n<p>\u201c Sanadka soo socda, waxaan rajaynayaa in xiriirkeennu xoogaysan doono, maadaama Soomaaliya qaadan doonto masuuliyadda amniga wadanka, kadib bixitaanka ATMIS. Waxaan idin rajaynayaa farxad iyo in aad nabad ku dabbaal degtaan adinkoo maamuusaya maalinta qarannimada Soomaaliya,\u201d ayuu yiri Madaxweyne Biden.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Farriin qoraal oo uu soo diray Madaxweynaha Dowladda Mareykanka Joe Biden oo nuqul ka mid ah Warbaahinta Qaranka Soomaaliya ay soo gaarsiisay Safaaradda Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya ayuu ku muujiyay garab istaaga guulaha Soomaaliya ka gaartay Dowlad-dhiska iyo tahniyadda debbaal degga maalmaha taarriikhiga ah ee xorriyadda iyo midnimada qaranka Soomaaliyeed. Mudane Biden waxaa uu ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":516328,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-516327","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516327","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=516327"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516327\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":516329,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516327\/revisions\/516329"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/516328"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=516327"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=516327"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=516327"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}