{"id":516311,"date":"2024-07-03T13:47:55","date_gmt":"2024-07-03T10:47:55","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=516311"},"modified":"2024-07-03T13:49:07","modified_gmt":"2024-07-03T10:49:07","slug":"raiisul-wasaaraha-xfs-xamse-cabdi-barre-cid-laga-aqbalaayo-malahan-kalluumaysi-sharci-daro-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaaraha-xfs-xamse-cabdi-barre-cid-laga-aqbalaayo-malahan-kalluumaysi-sharci-daro-ah\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre : Cid laga aqbalaayo malahan Kalluumaysi sharci daro ah"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisulwasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan cidna laga aqbalayn Kalluumeysi sharci darro ah dowlado badanna lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisulwasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas oo qaarkood uu waqtigu ka dhamaaday dib u eegisna lagu samayn doono.<\/p>\n<p>Mudane Xamse ayaa xusay in Soomaaliya oo ku taalla goob muhiim ah, lehna kheyraad fara badan ay suurto gal tahay in lasoo damaaciyo, wuxuuna sheegay in aysan gorgortan geli karin dhulka iyo biyaha Soomaaliya, dowladduna uu xil gaar ah ka saaran yahay ilaalinta hantideenna.<\/p>\n<p>\u201cMaadaama aan ku naalo meeshaas istiraatiijiga ah, maadaama aan haysanno kheyraad badan oo gaar ah, maadaama aanan si dhameystiran uga faa\u2019iisan kheyraadkaas, waxaa suuragal ah in ay yimaadaan damac shisheeye oo kheyraadkaas ku foogan, sidaa darteed waa inaan u istaagnaa sidii aan kheyraadkaas u ilaashan lahayn, badeenna iyo dhulkeennu midna gorgortan ma gali karo mana galayo, dowladda Soomaaliyeedna waxay u taagan tahay ilaalinta badda, dhulka iyo kheyraadkiisa\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in haatan uu Adduunku tartan ugu jiro maalgashiga dalkeenna gaar ahaan badaheenna, maaddaama uu uu ku jiro kheyraad aad u fara badan oo ay tahay in la ilaashado laguna fara adeygo.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisulwasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay inaan cidna laga aqbalayn Kalluumeysi sharci darro ah dowlado badanna lagu dacweeyay jiriifka ay ka sameeyaan xeebaha Soomaaliya. Ra\u2019iisulwasaaraha oo ka hadlayay munaasabadda Todobaadka Qaran ee Horumarinta Kalluumeysiga Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho ayaa intaa ku daray in ay jiraan dowlado iyo shirkado ku jooga badda heshiis, kuwaas [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":516312,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-516311","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516311","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=516311"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516311\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":516314,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/516311\/revisions\/516314"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/516312"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=516311"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=516311"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=516311"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}