{"id":515227,"date":"2024-06-12T20:56:33","date_gmt":"2024-06-12T17:56:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=515227"},"modified":"2024-06-12T20:56:33","modified_gmt":"2024-06-12T17:56:33","slug":"wasiirka-warfaafinta-oo-soo-xiray-tababar-ku-saabsan-ka-hortaga-wararka-been-abuurka-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-oo-soo-xiray-tababar-ku-saabsan-ka-hortaga-wararka-been-abuurka-ah\/","title":{"rendered":"Wasiirka warfaafinta oo soo xiray tababar ku saabsan ka hortaga wararka been abuurka ah"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo.<\/p>\n<p>Tababarkan oo ay ka faa\u2019iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo mas\u2019uuliyiin ka kala socday hay\u2019adaha warbaahinta dowliga iyo kuwa gaarka loo leeyahay waxaa iska kaashaday Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Soomaaliya iyo Safaaradda Jamhuuriyadda Turkiga ee Muqdisho.<\/p>\n<p>Aqoon isweydaarsiga waxaa diiradda lagu saarey sidii weriyeyaasha iyo madaxda warbaahinta loo bari lahaa xirfado sare oo tayo leh oo la xiriira ka hortaga been abuurka ah iyo in bulshada lagu jiheeyo tubta toosan ee wax dhista .<\/p>\n<p>Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee XFS mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Turkiga taageeridda tababarkan muhiimka ah.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan ku jirnaa olole xooggan oo ku wajahan jiheynta bulshada iyo ka hortaga been abuurka, toddobaad ka hor waxaan qabanay shir weyn oo looga hadlay saameynta been abuurka iyo kicinta colaadaha, tababarkani waxa uu ka dhashay kulan aanu halkan kula yeelanay Safiirka, wuxuuna xoojinaya hagaajinta istaraatiijiyadda Warbaahinta iyo ka hortaga wararka khaldan ama been abuurka ah ee sida kul talogalka ah loo baahiyo. Waxaan uga mahad celinayaa safaaradda taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan tahay Dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda \u201d ayuu yiri wasiir Daa\u2019uud Aweys<\/p>\n<p>Wasiirka waxaa uu kula dardaarmay ka qeyb galayaasha in waxa ay ka faa\u2019iideen tababarkan ku dhaqmaan una gudbiyaan saaxiibadooda goobaha shaqada.<\/p>\n<p>Safiirka Jamhuuriyadda Turkiye ee Soomaaliya Danjire Alper Akta\u015f oo ka hadlay xiritaanka tababarka ayaa tilmaamay in ujeedka aqoon isweydaarsigan safaaradda u taageertay uu yahay xoojinta iskaashiga labada dal, loona baahan yahay weriyeyaasha iyo warbaahinta inay door fiican ka qaataan dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa wadda dedaalo lagu xoojinayo wacyiga bulshada ee ka hortaga faafinta wararka been abuurka ah iyo kicinta colaadaha sokeeye oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida dalka.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-515228\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214880424.jpg\" alt=\"\" width=\"1000\" height=\"467\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214880424.jpg 1000w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214880424-300x140.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214880424-768x359.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214880424-860x402.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-515229\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214877436.jpg\" alt=\"\" width=\"1000\" height=\"467\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214877436.jpg 1000w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214877436-300x140.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214877436-768x359.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214877436-860x402.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-515230\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214873329.jpg\" alt=\"\" width=\"1000\" height=\"467\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214873329.jpg 1000w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214873329-300x140.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214873329-768x359.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214873329-860x402.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1000px) 100vw, 1000px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-515231\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698-1024x768.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"768\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698-860x645.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214868698.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-515232\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942-1024x581.jpg\" alt=\"\" width=\"1024\" height=\"581\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942-1024x581.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942-300x170.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942-768x436.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942-860x488.jpg 860w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/06\/FB_IMG_1718214609942.jpg 1080w\" sizes=\"auto, (max-width: 1024px) 100vw, 1024px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA): Wasiirka warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac ayaa soo xiray tababar laba maalmood socday oo ku saabsanaa Istaraatiijiyada warbaahinta ee ka hortagga wararka been abuurka iyo wararka sida khaldan loo tebiyo. Tababarkan oo ay ka faa\u2019iidaysteen ilaa 20 suxufiyiin iyo mas\u2019uuliyiin ka kala socday hay\u2019adaha warbaahinta [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":515232,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-515227","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515227","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=515227"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515227\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":515233,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515227\/revisions\/515233"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/515232"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=515227"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=515227"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=515227"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}