{"id":515127,"date":"2024-06-11T11:07:44","date_gmt":"2024-06-11T08:07:44","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=515127"},"modified":"2024-06-11T11:31:11","modified_gmt":"2024-06-11T08:31:11","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kulan-la-yeeshay-raiisul-wasaaraha-norway","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kulan-la-yeeshay-raiisul-wasaaraha-norway\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay Ra&#8217;iisul wasaaraha Dalka Norway"},"content":{"rendered":"<p>Oslo-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra\u2019iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr St\u00f8re.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida dalka iyo tan gobolka.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha ka mahad celiyay taageerada dhinacyada kala duwan ee Norway u fidineyso Soomaaliya, taas oo kaalin weyn ka qaadaneysa dib u dhiska iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr St\u00f8re ayaa bogaadiyay horumarka ay DFS sameyneyso, waxaana uu ballanqaadey in dalkiisu sii wadi doono iskaashiga iyo taageerada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Soomaaliya iyo Norway ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan oo qoto dheer, iyadoo socdaalka Madaxweynaha uu haatan ku tegay Norway uu muujinayo sida labada dal ay uga go\u2019an tahay xoojinta xiriirkooda iyo Iskaashiga ka dhexeeya.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Norway ku jooga booqasho shaqo oo saddex maalmood ah.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Oslo-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta kulan kula yeeshay magaalada Oslo, Ra\u2019iisul Wasaaraha Boqortooyada Norway Mr Jones Gahr St\u00f8re. Madaxweynaha ayaa Boqortooyada Norway uga warbixiyay horumarka ay Soomaaliya ku tallaabsaneyso iyo sida Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay uga go\u2019an tahay ka lib keenidda dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo xaqiijinta xasiloonida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":515128,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-515127","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515127","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=515127"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515127\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":515134,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/515127\/revisions\/515134"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/515128"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=515127"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=515127"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=515127"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}