{"id":514735,"date":"2024-06-05T20:18:20","date_gmt":"2024-06-05T17:18:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=514735"},"modified":"2024-06-05T20:19:05","modified_gmt":"2024-06-05T17:19:05","slug":"sacuudiga-oo-soo-saaray-goaamo-khuseeya-arrimaha-xajka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/sacuudiga-oo-soo-saaray-goaamo-khuseeya-arrimaha-xajka\/","title":{"rendered":"Sacuudiga oo soo saaray go&#8217;aamo khuseeya arrimaha xajka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go\u2019aamo ka dhan ah dadka ku xad-gudba awaamiirta Xajka oo\u00a0 ah xabsi shan iyo toban maalmood, ganaax lacageed oo dhan 10,000 Riyal lacagta Sacuudiga ah iyo masaafurinta dadka lagu qabto iyagoo haysan waraaqaha ogolaanshaha Xajka iyo dal ku galka (Visa).<\/p>\n<p>Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga oo adeegsaneysa (hashtag-ka #NoHajjWithout Permit) ee baraha bulshada ayaa ku dhawaaqday in olole amni oo habeen iyo maalin laga sameynayo \u00a0magaalada Maka, tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay in gacanta lagu soo dhigo kuwa xad-gudba awaamiirta Xajka si loogu qaado sharciga la soo saaray.<\/p>\n<p>War qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Sacuudiga ayaa lagu sheegay in guddiyada maamulka \u00a0guud ee hubinta adeega Baasaboorada ay soo saareen go\u2019aano dhowr ah oo dhanka maamulka ah, Kuwaas oo isugu jira 15-maalmood oo xarig ah iyo 10,000 oo Riyal oo lacagta sacuudiga ah.<\/p>\n<p>Go\u2019aanka la soo saaray ayaa khuseeya muwaadiniinta Sucuudiga iyo dad kale ee ajaaniibta ah ee gudashada waajibaadka xajka u tegaya dalkaas.Dowladda ayaa sheegtay in howlgallada amniga iyo fulinta go\u2019aannada lagu adkeynayo si joogta ah looga sameynayo magaalada Maka si loo soo qabto kuwa sharciga ku xad-gudba looguna gudbiyo hay\u2019adaha awoodda u leh si ay ciqaab adag ugu fuliyaan.<\/p>\n<p>Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa ugu baaqday dhammaan muwaadiniinta iyo dadka kale ee ajaaniibta ah\u00a0in ay u hoggaansamaan oo ay dhowraan awaamiirta iyo shuruucda\u00a0xajka si martida Alle ay ugu helaan ammaan, badqab, nasteexo iyo in ay ku qancaan gudashada waajibaadka xajka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Dowladda Sacuudiga ayaa soo saartay go\u2019aamo ka dhan ah dadka ku xad-gudba awaamiirta Xajka oo\u00a0 ah xabsi shan iyo toban maalmood, ganaax lacageed oo dhan 10,000 Riyal lacagta Sacuudiga ah iyo masaafurinta dadka lagu qabto iyagoo haysan waraaqaha ogolaanshaha Xajka iyo dal ku galka (Visa). Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ee Sacuudiga oo adeegsaneysa (hashtag-ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":514736,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-514735","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514735","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=514735"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514735\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":514738,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514735\/revisions\/514738"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514736"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=514735"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=514735"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=514735"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}