{"id":514700,"date":"2024-06-05T13:48:54","date_gmt":"2024-06-05T10:48:54","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=514700"},"modified":"2024-06-05T13:48:54","modified_gmt":"2024-06-05T10:48:54","slug":"maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-maanta-xukun-ku-ridday-xubin-ka-tirsan-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/maxkamadda-ciidamada-qalabka-sida-oo-maanta-xukun-ku-ridday-xubin-ka-tirsan-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Maxkamadda Ciidamada qalabka sida oo maanta xukun ku ridday xubin ka tirsan khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim \u201cKaraama\u201d 8 Sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay in uu ka mid ahaa khawaarijta nabad-diidka.<\/p>\n<p>Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G\/le, Maxamed Cabdi Muumin ayaa sheegay in eedeysane Karaama uu Khawaarijta u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha shacri darrada ee ay nabad-diidku ka qaadan jireen qaar ka mid ganacsatada Muqdisho.<\/p>\n<p>Maxamuud Maxamed Macalim oo khawaarijta ku biiray 2020-kii ayaa argagixisada siin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howl wadaag iyo Boondheere, isagoo sidoo kale u gudbin jiray qiyaasta qiimaha hantida taalla goobtaasi ganacsi iyo taleefanka meheradda si loo handado loogana qaado lacag sharci darro ah.<\/p>\n<p>Dhagar qabe Karaama ayaa gacanta hay\u2019adaha amniga soo galay 29-kii January ee Sanadkan, iyadoo kiiskiisa uu soo maray marxalado kala duwan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta 8 sano oo xabsi ciidan ah ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim \u201cKaraama\u201d 8 Sano oo xabsi ciidan ah markii lagu helay in uu ka mid ahaa khawaarijta nabad-diidka. Garsooraha Maxkamadda Ciidamada Qalabka G\/le, Maxamed Cabdi Muumin ayaa sheegay in eedeysane Karaama uu Khawaarijta u qaabbilsanaa uruurinta lacagaha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":514701,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-514700","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514700","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=514700"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514700\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":514702,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/514700\/revisions\/514702"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/514701"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=514700"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=514700"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=514700"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}