{"id":513268,"date":"2024-05-16T19:38:26","date_gmt":"2024-05-16T16:38:26","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=513268"},"modified":"2024-05-16T19:38:26","modified_gmt":"2024-05-16T16:38:26","slug":"raiisul-wasaare-xamsa-oo-khudbad-ka-jeediyey-meertada-33-aad-ee-shir-madaxeedka-jaamacadda-carabta-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaare-xamsa-oo-khudbad-ka-jeediyey-meertada-33-aad-ee-shir-madaxeedka-jaamacadda-carabta-2\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo Khudbad ka jeediyey Meertada 33-aad ee shir madaxeedka Jaamacadda Carabta"},"content":{"rendered":"<p><strong>Manaama (SONN):-<\/strong> Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba ay ka taagan yihiin qadiyadda Falastiin, waxa uuna sheegay murugada ay nagu hayso xasuuqa iyo barakicinta lagu hayo, isaga oo ku baaqay in deg-deg loo joojiyo, lana fuliyo go\u2019aammada Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa la wadaagay, Madaxda Boqorrada, Madaxweyneyaasha iyo Amiirrada Carbeed xaaladda dalkeenna, guulaha laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta, dib-u-habaynta laamaha amniga, xasilinta dalka iyo faro-gelinta ka dhanka ah madaxbannaanida qarannimada Soomaaliya ee ay ku kacday Xukuumadda Addis-ababa.<\/p>\n<p>\u201cItoobiya wali kama waantoobin damaceedeen gurrucnaa iyo faro-gelinteedii ka dhan ahayd arrimaha Gudaha Soomaaliyeed, iyaga oo isku dayeya in ay jid u bixiyaan heshiiska sharci darrada ah ee dhibaato ku ah amniga dalalka Carabta, midka heer gobol iyo marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Baabul Mandab\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda oo ka warbixiyey fursadaha maalgashi iyo kheyraadka ceegaaga dhulkeenna ee u baahan in la soo saaro ama si wanaagsan looga faa\u2019iideysto, ayaa Hoggamiyeyaasha dalalka Jaamacadda Carabta ugu baaqay in ay taageeraan dowladnimada Soomaaliya, dhiirrigeliyaanna maalgashigeeda.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Manaama (SONN):- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay Meertada 33-aad ee shirka Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay caqabadaha iyo duurafaha ku xeeran dalalka Carabta iyo muhiimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada lagu wajahayo. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa adkeeyey mowqifka taariikhiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, shacab iyo dowlad-ba [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":513269,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-513268","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513268","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=513268"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513268\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":513270,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513268\/revisions\/513270"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/513269"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=513268"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=513268"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=513268"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}