{"id":513156,"date":"2024-05-15T16:06:00","date_gmt":"2024-05-15T13:06:00","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=513156"},"modified":"2024-05-15T16:11:45","modified_gmt":"2024-05-15T13:11:45","slug":"ciidamada-qalabka-sida-iyo-saaxiibada-caalamka-oo-fuliyay-howlgal-lagu-laayay-xubno-ka-tirsan-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-qalabka-sida-iyo-saaxiibada-caalamka-oo-fuliyay-howlgal-lagu-laayay-xubno-ka-tirsan-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Ciidamada Qalabka Sida iyo saaxiibbada Caalamka oo fuliyay howlgal lagu laayay xubno ka tirsanaa Khawaarijta"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Sagaal dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.<\/p>\n<p>War Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad oo lagu dilay afar xubnood lagu bartilmaameedsaday gaari nooca dagaalka ah iyo gaari booyad ay wateen malleeshiyaadka Khawaarijta , kaasi oo marayay hawdka deegaanka Cali Heelle oo ku yaalla xadka Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.<\/p>\n<p>Howlgalka labaad ayaa lagu khaarajiyay shan ka tirsan Khawaarijta oo lagu beegsaday fariisin ay lahaayeen cadowga, kaas oo ka dhacay deegaanka Baraag Sheekh Caamir ee gobolka Galgaduud.<\/p>\n<p>Howlgalladan oo ahaa kuwo aad loo qorsheeyay ayaa sidoo kale waxaa lagu burburiyay gaadiid iyo saanado ciidan oo ay Khawaarijtu lahaayeen.<\/p>\n<p>Dowladda Soomaaliya oo si weyn ula socota dhaqdhaqaaqa iyo isku dayada cadowga ayaa waxaa ka go\u2019an in Khawaarijta lagu beegsado goob kasta, iyadoo ciidamada Qaranka ay guulo ka soo hooyeen howlgalladii ugu danbeeyay.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone wp-image-513157 size-full\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/05\/SAXAAFADEEDKAN-15.jpg\" alt=\"\" width=\"638\" height=\"871\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/05\/SAXAAFADEEDKAN-15.jpg 638w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/05\/SAXAAFADEEDKAN-15-220x300.jpg 220w\" sizes=\"auto, (max-width: 638px) 100vw, 638px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Sagaal dhagar qabe oo ka tirsanaa Khawaarijta ayaa lagu dilay ku dhowaad 10-kalana waa lagu dhaawacay labo hawlgal oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qalabka Sida iyo saaxiibada caalamka, kuwaas oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe. War Saxaafadeed kasoo baxay dowladda Federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalka koowaad oo lagu dilay afar xubnood [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":513163,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-513156","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513156","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=513156"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513156\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":513161,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/513156\/revisions\/513161"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/513163"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=513156"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=513156"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=513156"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}