{"id":512844,"date":"2024-05-11T08:03:02","date_gmt":"2024-05-11T05:03:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512844"},"modified":"2024-05-11T11:46:44","modified_gmt":"2024-05-11T08:46:44","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-ka-hadlay-dhammeystir-dastuurka-hannaanka-doorashooyinka-iyo-ciribtirka-khawaarijta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-ka-hadlay-dhammeystir-dastuurka-hannaanka-doorashooyinka-iyo-ciribtirka-khawaarijta\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo ka hadlay dhammeystirka dastuurka, hannaanka doorashooyinka iyo ciribtirka Khawaarijta"},"content":{"rendered":"<div class=\"html-div xe8uvvx xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r xexx8yu x4uap5 x18d9i69 xkhd6sd\" dir=\"auto\">\n<div id=\":rab:\" class=\"x1iorvi4 x1pi30zi x1l90r2v x1swvt13\" data-ad-comet-preview=\"message\" data-ad-preview=\"message\">\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf xz62fqu x16ldp7u\">\n<div class=\"xu06os2 x1ok221b\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhaMmeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ay ka balan qaadeen Dowladnimo oo ay ugu horeyso in qofka Soomaaliga ah cabsi la&#8217;aan uu seexdo\u00a0 si halkaas loo gaarayana u baahan tahay in qiimo la bixiyo waana la bixinayaa oo wiilal Soomaaliyeed oo geesiyaal ah ayaa dhiiggooda u daadanaya si hooyo iyo Aabe Soomaaliyeed ay nabad ugu seexdaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221; In aan mararka qaarkood codkeyna ka baqeylno ama aan codkeyna uga hortagno wiilkaas Soomaaliyeed sababta uu u bixinayo dhiiggiisa cagsigeeda aan uga shaqeyno ama maamul haddii ay tahay maamulka qaloocinaa, dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan markale iyo markale waxaan ugu celinayaa nabadda yaan laga cabsanin, Dowladnimada dhismeysa yaan laga baqin, Khawaarij sii dumeysa yaan laga baqin, aan isku duubnaano iskana dulqaadno argagixisada,&#8221; ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Sidoo kale, madaxweynaha JFS ayaa hoosta ka xariiqay in dalka ay doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso, islamarkaana uu ka dhabeynayo balan qaadkiisii ahaa in ciddda qaabeyneyso mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed uusan ku imaan xoog, balse taas beddelkeeda shacabka iyagu ay soo doortaan.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">&#8221; Waxaan balan qaadnay dalkan iyo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan kor oo meesha ugu sareyso oo madaxweynaha jamhuuriyadda ah ilaa meesha ugu hooseyso oo Dowladda hoose oo degmo hebel ah dadka inaanu u talinin, taladoodana ka talinin qof aanu iyagu dooranin oo taladu aan u dhiibanin, noo haay talada adiga aanu dhihina, iska yimid ama koox yar ay keensatay ama xoog ama sida lagu balamin ku yimid, intuu iska yimaado uu dalku iska xukumin, sidaasi daraateed doorasho qof iyo cod ah ayaa balan qaadnay, doorashadaas qof iyo codka ah Ilaahey idimkiisa waa ay dhaceysaa, fursad kale malahan, dadkeennu waa in ay doorataan cidda mataleysa, cidda go&#8217;aanka u gaareysa, cidda mustaqbalkooda qaabeyneysa, cidda tantooda ka shaqeyneysa waa in ay iyagu doortaan,&#8221;<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri&#8217; Dastuurka wali dooddiisu waa socotaa inta la soo dhaafay qof kasta oo dood qaba waa furan tahay, waa soo bandhigi karaa waan soo dhoweyneynaa, balse hal mid ma furna dastuurka hala joojiyo hala hakiyo taas waddo furan ma ahan waa xiran tahay,&#8221;.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka shaqeeyaan sidii loo heli lahaa Dowlad sharciga ku xooggan, hay&#8217;adaheedu xooggan yihiin si loola jaan qaado adduunyada carsiga ah ee dhijitaalku uu hagato.<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si qoto dheer kaga hadlay dhaMmeystirka dastuurka, hanaanka doorashooyinka iyo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka ay ka balan qaadeen Dowladnimo oo ay ugu horeyso in qofka Soomaaliga ah cabsi la&#8217;aan uu seexdo\u00a0 si halkaas loo gaarayana u baahan tahay in [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":508380,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512844","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512844","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512844"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512844\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512863,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512844\/revisions\/512863"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/508380"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512844"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512844"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512844"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}