{"id":512611,"date":"2024-05-07T14:32:52","date_gmt":"2024-05-07T11:32:52","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512611"},"modified":"2024-05-07T14:32:55","modified_gmt":"2024-05-07T11:32:55","slug":"ururka-iskaashiga-islaamka-oic-oo-taageeray-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ururka-iskaashiga-islaamka-oic-oo-taageeray-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Ururka Iskaashiga Islaamka OIC oo taageeray Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Banjul-(SONNA)-Shir-madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee Caasimadda dalka Gambia.<\/p>\n<p>Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo lagu diiday damaca gurracan ee dowladda ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qodobbada kasoo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in la taageero gobannimada iyo xasilloonida Soomaaliya, dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta.<\/p>\n<p>Shirka OIC ayaa diiday xadgudubka ay Itoobiya ku dooneyso in ay ku dhantaasho madax bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Sidoo kale shirka ayaa lagu taageeray musharraxnimada Marwo; Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ee Guddoomiyaha midowga Afrika.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa ugu dambayn lagu taageeray yagleelidda dowlad Falastiiniyiintu ay yeeshaan oo madax bannaan, gob ah, Quddusna Caasimad u tahay.<\/p>\n<p>Ra&#8217;iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qeyb-galay shirka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Banjul-(SONNA)-Shir-madaxeedka 15-aad ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ayaa lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Banjul ee Caasimadda dalka Gambia. Shirkan ayaa waxaa ka soo baxay qodobbo muhiim u ah Soomaaliya, iyadoo lagu diiday damaca gurracan ee dowladda ay Itoobiya ku dooneyso badda Soomaaliya. Qodobbada kasoo baxay shirka ayaa waxaa ka mid ahaa in la [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":512612,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512611","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512611","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512611"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512611\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512613,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512611\/revisions\/512613"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/512612"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512611"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512611"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512611"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}