{"id":512515,"date":"2024-05-06T19:46:17","date_gmt":"2024-05-06T16:46:17","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512515"},"modified":"2024-05-06T19:46:17","modified_gmt":"2024-05-06T16:46:17","slug":"qaxootiga-suudaan-oo-ka-cararaya-itoobiya-kadib-marki-ay-soo-wajahday-dhibaato-joogta-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/qaxootiga-suudaan-oo-ka-cararaya-itoobiya-kadib-marki-ay-soo-wajahday-dhibaato-joogta-ah\/","title":{"rendered":"Qaxootiga Suudaan oo ka cararaya\u00a0 Itoobiya kadib marki ay soo wajahday dhibaato joogta ah"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho (SONNA):- <\/strong>Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya\u00a0 kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda.<\/p>\n<p>Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti\u00a0 oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo ay geysanayaan ciidamda dowladda Itoobiya iyo kooxo hubeysan oo aan la garaneyn waxa ay yihiin.<\/p>\n<p>Laamaha amniga Itoobiya oo waayadii ugu dambeysay ku howlanaa caburinta muwaadiniinta iyo iska hor keenka qowmiyadaha dalkaas ayaa gabay howshii\u00a0 loogu tala galay ee sugidda amniga dadka ku nool gudaha Itoobiya oo ay ku jiraan qaxootiga.<\/p>\n<p>In ka badan 7,000 oo qaxooti ah ayaa qorsheynaya in ka baxaan xerada qaxootiga ee Comer kadib markii ay waayeen ciidamo suga amnigooda iyada oo qaarkood laga dhacay wixi yaraa ee ay heysteen.<\/p>\n<p>Waxaa sidoo kale adkaatay in gargaar bini&#8217;aadantinimo la gaarsiiyo dadka dhibaateysan iyada oo la dhacay kaalmadii loogu tala galay qaxootiga.<\/p>\n<p>Sida ay sheegtay warbaahinta Suudaan, laga soo bilaabo bishii December ilaa Janaayo, ciidamada Itoobiya ayaa kufsaday afar gabdhood, waxaana sidoo kale jira dhac iyo afduub loo geystay shacabka Suudaan ee ku nool gudaha Itoobiya.<\/p>\n<p>Hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ee (UNHCR) ayaa sheegtay in qiyaastii 27,000 oo qaxooti Suudaan ah\u00a0 ku noolyihiin gobolka\u00a0 Amxaarada iyada oo ay sidoo kale\u00a0 20,000 ku jiraan xerooyin qaxooti oo ku yaal\u00a0 Benishangul-Gumuz.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Muwaadiniinta dalka Suudaan ee qaxootiga ku ahaa gudaha Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga cararaan Itoobiya\u00a0 kadib markii ay la kulmeen dhibaatooyin kala duwan oo halis geliyay nolashooda. Ugu yaraan 1,000 qof ayaa ka cararay xero qaxooti\u00a0 oo ku taalla Waqooyiga Itoobiya kadib makii lagula kacay dhac, handadaad iyo weeraro joogta ah oo [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":512516,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512515","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512515","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512515"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512515\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512517,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512515\/revisions\/512517"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/512516"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512515"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512515"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512515"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}