{"id":512512,"date":"2024-05-06T19:42:45","date_gmt":"2024-05-06T16:42:45","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512512"},"modified":"2024-05-06T20:54:10","modified_gmt":"2024-05-06T17:54:10","slug":"hayadda-sodma-oo-soo-saartay-digniino-la-xiriira-fatahaado-ka-dhasha-roob-la-filayo","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/hayadda-sodma-oo-soo-saartay-digniino-la-xiriira-fatahaado-ka-dhasha-roob-la-filayo\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda SODMA oo soo saartay digniino la xiriira fatahaado ka dhasha Roob la filayo"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho (SONNA):-<\/strong> Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA oo soo saartay digniin ayaa sheegtay in tobanka casho ee soo socota ee 07da \u2013 16ka bisha May 2024ka in ay suuragal tahay in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah degmooyinka dalka Sida; Dolow, Luuq, Buaale, Jilib, Baletweyn, Bulaburde, Jalalaqsi, Mahaday, Jowhar, Balcad iyo qaarkale oo wabigu uusan marin.<\/p>\n<p>Degmooyin ka mid ah gobolada: Bay, Bakool, Gedo, Galguduud, Mudug, Togdheer, Sool, Nugaal iyo Bari ayaa waxaa aad u sareeysa suurtagalnimada ah in ay fatahaado ka dhacaa ay saameeyndoonaan nolosha iyo hab-nololeedka bulshooyinka ku nool degmooyinkaas.<\/p>\n<p>Degmooyinka iyo gobollada kor ku xusan waxay wajihi doonaan khataro\u00a0 ka imankarta Fatahaada webiyada iyo daadadka ay togagu soo rogaan.<\/p>\n<p>Waxaa sare u soo kacaya heerka biyaha wabiyada Shabeele iyo Juba taasina waxaa sabab u ah roobabka xoogan ee ka da\u2019aya qeybo ka mid ah dalka iyo buuralayda Ethiopia.<\/p>\n<p>Xarunta ka digsta halis wadareedka ee SoDMA , ayaa mar kale Bulshada Soomaaliyeed u direeysay digniino iyo talooyin si loogu feejignaado saameynta\u00a0 roobabka guga uu ku yeelan karo nafta iyo Hantida shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Hay\u2019adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ee SODMA oo soo saartay digniin ayaa sheegtay in tobanka casho ee soo socota ee 07da \u2013 16ka bisha May 2024ka in ay suuragal tahay in ay ka dhacaan fatahaado isugu jira kuwo ka yimaadda wabiyada iyo togaga soo rogmada, kuwaas oo aadka u saameeyndoona qaar ka mid ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":495702,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512512","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512512","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512512"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512512\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512532,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512512\/revisions\/512532"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/495702"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512512"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512512"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512512"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}