{"id":512326,"date":"2024-05-03T16:17:18","date_gmt":"2024-05-03T13:17:18","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512326"},"modified":"2024-05-03T16:17:18","modified_gmt":"2024-05-03T13:17:18","slug":"wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-hambalyo-ku-aadan-3-da-may-u-diray-saxaafiyiinta-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-warfaafinta-xfs-oo-hambalyo-ku-aadan-3-da-may-u-diray-saxaafiyiinta-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Wasiirka Warfaafinta XFS oo \u00a0hambalyo ku aadan 3-da May u diray saxaafiyiinta Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa\u2019uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed\u00a0 ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May.<\/p>\n<p>Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray U dabbaal degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, maadaama adduunkaoo \u00a0dhami uu dhibane u yahay\u00a0 isbeddelka Cilimida.<\/p>\n<p>\u201cMunaasabadda qiimaha leh ee maalintan caalamiga ah ee xorriyadda saxaafadda awgeyd waxaan rabaa in aan halkaan hambalyo diirran uga diro Wariyayaasha kaalintooda wax ku ool ah ee nolosha bulshada, run sheegista, daah furnaanta, iyo dimuqraadiyadda, waxaan qirayaa in doorkiina wacyi dhiska dadweynaha uu yahay mid muuqdo oo lagama maarmaan ah\u2019 ayuu ku yirri dhambaalkiisa Wasiir Daa\u2019uud.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa wariyayaasha ku dhiira galiyay in ay door xooggan ka qaataan wacyigalinta qatarta dhibaatooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada oo si weyn u saameeyay dunida oo dhan, Soomaaliduna ay dhibanayaasha isbeddelka cimilada deegaanka ka mid tahay.<\/p>\n<p>Mudane Daa\u2019uud Aweys Jaamac Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa wuxuu hoosta ka xariiqay in dowladda federaalka Soomaaliya ay ka go\u2019an tahay ilaalinta xorriyadda, badqabka saxaafadda, hubinta daah furnaanta iyo xaqa xog helista wariyayaasha.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa ajande\u00a0 weyn inoo ah taageerada iyo dhiiragalinta warbaahinta, ka dowlad ahaan waxaa naga go\u2019aan in aan kor u qaadno tayada warbaahinteena iyo tababarada ay helaan suxufiyiinta, waxaan aaminsanahay wariyayaal tababaran oo wacyi ahaan dhisan in ay muhiim u yihiin dowlad wanaagga iyo horumar waara oo waddankeenu gaaro\u201d ayuu yiri Wasiirka<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa intaa ku daray \u201c Dhismaha Golaha Warbaahinta Qaranka oo ay dhowaan meel mariyeen Golaha wasiirada waa tallaabo hore loo qaaday si loo xoojiyo daah furnaanta iyo isla xisaabtanka, hawshani waxa ay muujinaysa sida dowladdu uga go\u2019an tahay xoojinta warbaahinta iyo dhiiragalinta dhaqan galinta mabaadi\u2019da iyo anshaxa suubban ee Saxaafadda\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daa\u2019uud Aweys jaamac ayaa Saxaafiyiinta Soomaaliyeed\u00a0 ugu hambalyeeyay dabbaal dega maalinta caalimaga ee xorriyadda saxaafadda oo ku asteysan 3-da May. Xuska sanadkaan ayaa loogu magac daray U dabbaal degga maalinta xorriyadda saxaafadda iyo xoojinta kaalinta warbaahinta ee xasaradaha ka dhasha isbedelka cimilada, maadaama adduunkaoo \u00a0dhami uu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":512329,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512326","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512326"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512326\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512327,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512326\/revisions\/512327"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/512329"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}