{"id":512102,"date":"2024-04-29T19:56:50","date_gmt":"2024-04-29T16:56:50","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=512102"},"modified":"2024-04-29T19:56:50","modified_gmt":"2024-04-29T16:56:50","slug":"midowga-yurub-oo-xayiraad-ku-soo-kordhiyey-bixinta-fiisaha-muwaadiniinta-u-dhashay-dalka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/midowga-yurub-oo-xayiraad-ku-soo-kordhiyey-bixinta-fiisaha-muwaadiniinta-u-dhashay-dalka-itoobiya\/","title":{"rendered":"Midowga Yurub oo xayiraad ku soo kordhiyey bixinta fiisaha muwaadiniinta u dhashay dalka Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho (SONNA):-<\/strong> Golaha Midowga Yurub ayaa go\u2019aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya.<\/p>\n<p>Go&#8217;aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaraya dadka heysta baasaboorka Itoobiya, waxa uuna jawaab u yahay wada shaqeyn la&#8217;aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arrimaha dib u celinta magangalyo doonka Itoobiya ee ku sugan Yurub, sida uu sheegay xafiiska fiisa bixinta Schengen oo 27ka dal ee Yurub ay ku mideysanyihin.<\/p>\n<p>Golaha Midowga Yurub waxa uu ka mamnuucay dalalka xubnaha ka ah Midowga in ay bixiyaan fiisaha dal ku-galka ee baasaboorka Itoobiya.<\/p>\n<p>Go\u2019aankan ayaa daba socday qiimayn uu goluhu sameeyay, kaas oo lagu soo gabagabeeyay in wada shaqaynta Itoobiya ee dhinaca dib u soo celinta muwaadiniinteeda sida sharci darrada ah ugu sii jooga Midowga Yurub aanay ku filnayn, sida uu sheegay golaha Midowga Yurub.<\/p>\n<p>Itoobiya waxa ay ku guuldareysatay\u00a0 in ay iska kaashato dib usoo celinta muwaadiniinteeda si hufan, ayuu raaciyay golaha Midowga Yurub.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240429_195438_499.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Golaha Midowga Yurub ayaa go\u2019aamiyay in si kumeel gaar ah xayiraad loogu soo rogo bixinta fiisaha muwaadiniinta Itoobiya. Go&#8217;aanka golaha Midowga Yurub ayaa xayiraad saaraya dadka heysta baasaboorka Itoobiya, waxa uuna jawaab u yahay wada shaqeyn la&#8217;aanta Itoobiya iyo Midowga Yurub ee ku saabsan arrimaha dib u celinta magangalyo doonka Itoobiya ee ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":512103,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-512102","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512102","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=512102"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512102\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":512104,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/512102\/revisions\/512104"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/512103"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=512102"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=512102"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=512102"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}