{"id":511786,"date":"2024-04-26T10:27:33","date_gmt":"2024-04-26T07:27:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=511786"},"modified":"2024-04-26T12:28:26","modified_gmt":"2024-04-26T09:28:26","slug":"qaramafa-midoobay-oo-walaac-ka-muujisay-halista-roobabka-ee-ka-daaya-soomaaliya-iyo-dalal-kale","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/qaramafa-midoobay-oo-walaac-ka-muujisay-halista-roobabka-ee-ka-daaya-soomaaliya-iyo-dalal-kale\/","title":{"rendered":"Qaramada Midoobay oo walaac ka muujisay halista roobabka ee ka da&#8217;aya Soomaaliya iyo dalal kale"},"content":{"rendered":"<p><strong>Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini&#8217;aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu\u2019ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu\u2019ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni karaan khasaarooyin nafeed iyo burbur hanta.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini&#8217;aadantinimada (OCHA) \u00a0ayaa xusay in tan iyo 19-kii Abriil la soo sheegayo daadad xooggan oo ay dhaliyeen roobabkii ka da\u2019ay qaar kamid ah gobolada Dalka Soomaaliya.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Dhinaca kale Bariga Afrika iyo dalal kale oo dhaca Qaaradda Afrika ayaa waxaa ka da&#8217;ay roobab ka badan kuwii hore oo mahiigaan ah, kuwaas oo dhaliyay dhimasho, fatahaado iyo barakac saameeyay wadammo ay kamid yihiin dalalka Tansaaniya,Burundi iyo Kenya,Nigeria iyo kuwo kale.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Daadad iyo dhul go\u2019 ka dhacay dalka Tanzania oo ay sababeen roobab lixaad leh ayaa dilay 155 qof, halka 236 kalena ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay ra\u2019iisul wasaaraha dalkaasi, iyadoo roobab xooggan ay ka da\u2019ayaan guud ahaan Bariga Afrika.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><strong>Kenya, 35 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen isniintii, waxaana weli dalka oo dhan ka jira fatahaado.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Burundi, ku dhawaad 96,000 oo qof ayaa ku barokacay roobab aan kala joogsi lahayn oo bilo socday, Qaramada Midoobay iyo dowladdu ayaa sidaa sheegay horaantii bishan.<\/strong><\/p>\n<p><strong>Uganda ayaa sidoo kale waxaa ka dhacay duufaano waaweyn oo sababay in uu fataho wabiga, waxaana la xaqiijiyay labo dhimasho iyo dhaawac dhowr boqol oo dadka tuullooyinka ah.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0Dhinaca kale,In ka badan 100 maxbuus ayaa ka baxsaday xabsi ku yaalla dalka Nigeria oo u dhow magaalada caasimadda ah ee Abuja ka dib markii roobab mahiigaan ah oo xalay ka da\u2019ay ay burburiyeen qeybo ka mid ah xabsiga, sida ay sheegeen saraakiisha xabsiga.<\/strong><\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini&#8217;aadantinimada (OCHA) ayaa warbixin cusub oo toddobaadle ah ka soo saaray xaaladda Soomaaliya iyo saameynta roobabka xilligga gu\u2019ga ee ka curtay Dalka Soomaaliya. Xafiiska ayaa sheegay in laga soo bilaabo Abriil ilaa bisha Juun la filayo in ay korsdhaan roobabka waqtiga gu\u2019ga,kuwaas oo la tilmaamay in ay keeni [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":511788,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-511786","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511786","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=511786"}],"version-history":[{"count":8,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511786\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":511808,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511786\/revisions\/511808"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/511788"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=511786"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=511786"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=511786"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}