{"id":511611,"date":"2024-04-24T09:31:40","date_gmt":"2024-04-24T06:31:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=511611"},"modified":"2024-04-24T09:31:40","modified_gmt":"2024-04-24T06:31:40","slug":"icrc-xaalad-quus-ah-ayaa-ka-taagan-gobolka-tigray-ee-dalka-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/icrc-xaalad-quus-ah-ayaa-ka-taagan-gobolka-tigray-ee-dalka-itoobiya\/","title":{"rendered":"ICRC: Xaalad quus ah ayaa ka taagan gobolka Tigray ee dalka Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Geneva-(SONNA)-Hay\u2019adda laanqayrta cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo caawiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka jirta dalka Itoobiya, si ay cagahooda ugu istaagaan mar kale.<\/p>\n<p>\u201cWaa in dadka ku waayay xubno ka mid ah qoysaskooda la siiyaa\u00a0 jawaabo waafiya oo lagu qanci karo\u201d.<\/p>\n<p>Sidaas waxaa tiri, Sarah Epprecht-Noetzli oo ah\u00a0 Agaasimaha Ilaalinta iyo\u00a0 adeegyada muhiimka ah ee hay\u2019adda ICRC, intii ay ku guda jirtay\u00a0 booqashadeeda gobolka\u00a0 Tigray ee ay colaaduhu aafeeyeen.<\/p>\n<p>Sarah ayaa sheegtay in ay booqatay deegaanno ka tirsan gobolka Tigray oo ay aad u saaameeyeen iska hor imaadyadii hubeysnaa ee ka dhacay gobolka, waxayna tiri \u201c xaaladda ka tagaan halkaan (Tigray) waa qalbi jab, gabi ahaanba wax rajo ah\u00a0 kama muuqato\u201d<\/p>\n<p>Sarah ayaa intaas raacisay in ICRC ay qaadeyso tallaabbo kasta iyo wixi karaankeeda ah si loo caawiyo dadka dhibaateysan ee rayidka ah oo ay ku jiraan haween iyo carruur.<\/p>\n<p>Qeyla dhaanta ay hay\u2019adaha samafalka ka muujinyaan xaaladda dalka Itoobiya ayaa maalin ba maalinta ka dambeysa kasii dareysa, iyada oo dhanka kale maamulka Abiy Axmed uu ciqaab wadareed ku xukumay dadka rayidka ah iyo kuwa nugul.<\/p>\n<p>Warbixinnada hay\u2019adaha caalamiga ee dhanka xuquuqda aadanaha ayaa sidoo kale muujinaya\u00a0 xad gudubyo ay ciidamada dowladda Itoobiya kula kaceen dadka rayidka, waxana qaar ka mid ah magaalooyinka Yurub laga dhigay mudaaharaadyo looga soo horjeedo Abiy Axmed iyo maamulkiisa.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Geneva-(SONNA)-Hay\u2019adda laanqayrta cas ee Caalamiga ah ayaa sheegtay in loo baahan yahay in la bixiyo dadaal dheeri ah si loo caawiyo dadka ay dhibaatadu kasoo gaartay colaadda ka jirta dalka Itoobiya, si ay cagahooda ugu istaagaan mar kale. \u201cWaa in dadka ku waayay xubno ka mid ah qoysaskooda la siiyaa\u00a0 jawaabo waafiya oo lagu qanci [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":511612,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-511611","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511611","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=511611"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511611\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":511613,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511611\/revisions\/511613"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/511612"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=511611"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=511611"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=511611"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}