{"id":511354,"date":"2024-04-20T01:42:17","date_gmt":"2024-04-19T22:42:17","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=511354"},"modified":"2024-04-20T01:42:17","modified_gmt":"2024-04-19T22:42:17","slug":"dfs-oo-soo-dhaweysay-war-murtiyeedka-ka-soo-baxay-shirka-wasiirrada-arrimaha-dibadda-g7","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dfs-oo-soo-dhaweysay-war-murtiyeedka-ka-soo-baxay-shirka-wasiirrada-arrimaha-dibadda-g7\/","title":{"rendered":"DFS oo soo dhaweysay war-murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7"},"content":{"rendered":"<p>Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go&#8217;an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka. Waxa aan qiraynaa dadaalkooda wax ka qabashada cunno-yarida, saboolnimada , loolanka hubaysan, cimilada daran iyo barakaca, waxa aan qiimaynaynaa howlaha gargaarka bani&#8217;aadannimo iyo iskaashiga caalamiga ee wax looga qabanayo caqabadahaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay u heellantahay taageeridda nabadda iyo amniga gobolka, waxa ayna ku howlantahay xoojinta iskaashiga ay la leedahay G7 iyo bah-wadaagta caalamiga si loo xaqiijiyo nabad waarta iyo barwaaqada Geeska Afrika. Si kastaba ha ahaatee, wadahadal lala furo Itoobiya ayaa ku qabsoomi kara oo qura iyadoo gebi&#8217;ahaan laasha is-afgaradkii sharci-darrada ahaa ee ay la gashay gobollada Waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland), ayna muujiso in ay si buuxda u xurmaynayso midnimada iyo qarannimada Soomaaliya iyo mabda&#8217;a aan oggolaanayn in dal uu farageliyo arrimaha gudaha dal kale.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>Soomaaliya waxa ay ka mahadnaqaysaa qiridda horumarka ay ka samaysay hannaanka dowladnimada, dhaqaalaha iyo amniga. Waxaa naga go&#8217;an inaan dardargelinno dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, sidoo kalena xoojinno hey&#8217;adaheena. Sida habsamida leh ee mas&#8217;uuliyadda amniga looga wareejinayo Howlgalka ku-meelgaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) waa mid muhiim u ah amniga qaranka. Soomaaliya waxa ay si firfircoon ula kaashanaysaa Midowga Afrika iyo bah-wadaagta caalamiga si loo qorsheeyo, loona fuliyo kala-guurkan si wax ku ool ah, iyadoo la sii ambaqaadayo horumarinta awoodaha amni ee dalka iyadoo taageero laga helayo beesha caalamka.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka ka soo baxay Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda G7 ee ku qabsoomay Jasiiradda Capri ee dalka Talyaaniga intii u dhexeysay 16-19 bishan April. Waxa aan ku bogaadinaynaa diirad saariddiisa Geeska Afrika iyo Soomaaliya, waxa aan ammaanaynaa sida ay uga go&#8217;an tahay G7 horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":511223,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,7,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-511354","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-siyaasadda","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511354","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=511354"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511354\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":511355,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511354\/revisions\/511355"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/511223"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=511354"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=511354"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=511354"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}