{"id":511144,"date":"2024-04-15T18:54:40","date_gmt":"2024-04-15T15:54:40","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=511144"},"modified":"2024-04-15T20:40:43","modified_gmt":"2024-04-15T17:40:43","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kormeer-ku-tagay-xerada-jeneral-daauud-oo-ay-ciidanka-gorgor-daganyihiin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-kormeer-ku-tagay-xerada-jeneral-daauud-oo-ay-ciidanka-gorgor-daganyihiin\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeer ku tagay xerada Jeneral Daa&#8217;uud oo ay ciidanka Gorgor daganyihiin"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 18px;\"><strong>Muqdisho (SONNA):-<\/strong> Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa\u2019uud, halkaas oo ay ka amba-baxayaan cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran iyo dhiirri-galin ayaa ku adkeeyey rajada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka qabaan in ay dhammeystiraan halganka miro-dhalka ah ee dalka lagaga xoreynayo argagixisada, waxa uuna tilmaamay filashada ay qabaan dadka ku nool deegaannada ay ku harsan yihiin argagixisadu oo u hamuum qaba in laga dulqaado cadowga dhiig miiratada ah.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay guulaha isdaba-joogga ah ee Ciidamada Qalabka Sida ay ka soo hoyeen furimaha dagaalka, isagoo tilmaamay in dowladdu ay isku barbar waddo labo qorshe oo taarikhi ah, kuwaas oo ku saleysan in gacan lagu cirib taro argagixisada, gacanta kalena dib loogu dhiso Ciidamada Qaranka.<\/span><\/p>\n<p><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240415_203959_208.sdocx--><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan gaar ah la qaatay saraakiisha hoggaaminaysa ciidanka oo la wadaagay sida ay uga go&#8217;an tahay in ay dadka Soomaliyeed ka dulqaadaan cadawgan curyaamiyey nolashooda, iyagoo soo bandhigay nafhurnimada iyo geesinimada ay ku tilmaaman yihiin Ciidamada Soomaaliyeed.<\/span><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-large wp-image-511149\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018.jpg\" alt=\"\" width=\"720\" height=\"480\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018.jpg 720w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/04\/IMG-20240415-WA0018-615x410.jpg 615w\" sizes=\"auto, (max-width: 720px) 100vw, 720px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay dugsiyada tababarka Ciidanka Xoogga Dalka ee Jeneraal Dhaga-badan, TurkSom iyo Jeneraal Daa\u2019uud, halkaas oo ay ka amba-baxayaan cutubyo ku wajahan furimaha dagaalka iyo ciidamo tababar heerkiisu sarreeyo u aadaya dalka Turkiga. Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo ciidamada u jeediyay khudbad isugu jirtay dardaaran [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":47,"featured_media":511149,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-511144","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511144","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/47"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=511144"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511144\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":511156,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/511144\/revisions\/511156"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/511149"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=511144"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=511144"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=511144"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}