{"id":510984,"date":"2024-04-12T13:11:10","date_gmt":"2024-04-12T10:11:10","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=510984"},"modified":"2024-04-12T13:11:10","modified_gmt":"2024-04-12T10:11:10","slug":"warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-38","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/warbixinta-toddobaadlaha-ee-dowladda-federaalka-soomaaliya-38\/","title":{"rendered":"Warbixinta Toddobaadlaha ee  Dowladda\u00a0 Federaalka\u00a0 Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026.1-\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan muhiim ah kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya William Ruto.<\/p>\n<p>2-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.<\/p>\n<p>3-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga, jeediyayna fariimo ku saabsan dhinacyada siyaasadda, dhowrista qaranimada dalka, amniga , dib u heshiisiinta iyo xasilinta dalka.<\/p>\n<p>4-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirigelin ah la qaatey qaar ka mid ah saraakiisha haweenka ee ku jira Ciidamada Qalabka Sida.<\/p>\n<p>5-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa farxadda Ciidul Fitriga la qaatey qaar ka mid ah carruurta halyeeyadii Ciidamada Xoogga Dalka ee ku shahiiday dagaalka dalka looga xorreynayo Khawaarijta Al Shabab.<\/p>\n<p>6-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan miradhal ah magaalada Makka kula yeeshay Dhaxal Sugaha Boqortooyada Sacuudi Caraabiya Amiir Maxamed Binu Salmaan Binu Cabdulcasiis.<\/p>\n<p>7-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey.<\/p>\n<p>8-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa hambalyo ku aaddan Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>9-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn kooban ku sameeyay Golaha Wasiirrada, iyadoo xilalka la magacaabay uu ku jiro Wasiirka Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Moallim Fiqi.<\/p>\n<p>10-\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa degmada Kaxda uga qeyb galay kulan afur ah oo lagu muujinayey amniga iyo horumarrada kala duwan ee ka jira magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>11-\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo xarigga ka jaray suuqa caalamiga ah ee LC WAIKIKI laanta magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>12-\u00a0\u00a0 Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa\u00a0 Muqdisho ku qaabilay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Mudane Alper Akta\u015f, kaas oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo Iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya labada dowladood.<\/p>\n<p>13-\u00a0\u00a0 Golaha Wasiirrada oo ansixiyay wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey\u2019adda Maaliyadda.<\/p>\n<p>14-\u00a0\u00a0 Dowladaha Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa isku taacay in ay wadajir isaga kaashadaan Amniga iyo Dhaqaalaha kadib safarkii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu ku tagay Boqortooyada Sacuudi Carabiya.<\/p>\n<p>15-\u00a0\u00a0 Hay\u2019adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyed, ayaa markale ku celisay in Roobka gu\u2019ga ee ka curtay dalka sida saadaasha sheegeyso uu wato daadad iyo fatahaado, lagana cabsi qabo inay saameeyaan dad gaaraya 800,000 kun oo qof.<\/p>\n<p>16-\u00a0\u00a0 Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan ciribtirka maandooriyaha oo khatar ku ah nolosha bulshada caasimadda.<\/p>\n<p>17-\u00a0\u00a0 Maxkamadda Ciidamada ayaa dil toogasha ah ku xukuntay Cabdifatax Maxamed Xasan Qoslaaye oo ahaa Taliyihii Booliska ee Degmada Heliwaa, Dable Maxamed Cabdi Maxamed Qoone, kadib markii lagu helay inay nin ganacsade ah ku dileen magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>18-\u00a0\u00a0 Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo gacan ka helaya saaxiibada beesha caalamka ayaa weerar ka fuliyay deegaano ku yaalla Xarardheere ee gobolka Mudug, kuna dilay ku dhawaad 50 ka tirsan Khawaarijta.<\/p>\n<p>19-\u00a0\u00a0 Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Soomaaliya Mudane Xasan Macallin Maxamuud ayaa safiirka dalka Turkiga Alper Akta\u015f uga tacsiyeeyay dilka muwaadin Turki ah oo ka dhacay Muqdisho kadib weerar argagixiso oo lagu qaadey.<\/p>\n<p>20-\u00a0\u00a0 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa isku fidiyay dhul ballaaran oo ka tirsan gobolka Shabeellha Hoose iyagoo ku guda jira hawlgalo milateri oo ka dhan ah Khawaarijta.<\/p>\n<p>21-\u00a0\u00a0 Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaalieed Sarreeyo Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa cutubyo ka tirsan Ciidanka Booliiska kala qeyb galay afur, isagoo kula dardaarmey dardargelinta sugidda amniga.<\/p>\n<p>22-\u00a0\u00a0 Ciidanka Xoogga Dalka ayaa degaanka Baar Sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose ku dilay 27 maliishiyaad ka tirsan Khawaarijta, qaar kalena nolosha ku qabtey.<\/p>\n<p>23-\u00a0\u00a0 Ciidamada Qalabka Sida ayaa fashiliyey weerar ay Khawaarijtu doonayeen inay ku soo qaadaan degmada Balcad, iyagoo dilay 11 ka mid ah argagixisada.<\/p>\n<p>24-\u00a0\u00a0 Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa diginin u dirtay dhammaan maraakiibta iyo shirkadaha ka kalluumeysta biyaha Soomaaliya inay ka fogaadaan kallumeysiga sharcidarrada ah.<\/p>\n<p>25-\u00a0\u00a0 Wasiirka Caafimaadka ee Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadam ayaa xafiiskiisa ku qaabiley Wakiilka Cusub ee UNFPA Soomaaliya Dr. Mary Otieno.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.SONNA\u2026.1-\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo kulan muhiim ah kula yeeshay Nairobi Madaxweynaha Kenya William Ruto. 2-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya oo u dabaaldegaya sannadguuradii 64-aad tan iyo markii la aasaasey. 3-\u00a0\u00a0\u00a0\u00a0 Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Fitriga, jeediyayna fariimo ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":510986,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94],"tags":[],"class_list":{"0":"post-510984","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510984","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=510984"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510984\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":510985,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510984\/revisions\/510985"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/510986"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=510984"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=510984"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=510984"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}