{"id":510476,"date":"2024-03-29T10:01:07","date_gmt":"2024-03-29T07:01:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=510476"},"modified":"2024-03-29T10:02:09","modified_gmt":"2024-03-29T07:02:09","slug":"japan-oo-dib-u-bilaabeysa-maalgelinta-la-siiyo-heyadda-unrwa-ee-falastiin-u-qaabilsan-gargaarka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/japan-oo-dib-u-bilaabeysa-maalgelinta-la-siiyo-heyadda-unrwa-ee-falastiin-u-qaabilsan-gargaarka\/","title":{"rendered":"Japan oo dib u bilaabeysa maalgelinta la siiyo hey\u2019adda UNRWA ee Falastiin u qaabilsan gargaarka"},"content":{"rendered":"<p>Japan ayaa qorsheynaysa in ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay siin jirtay hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ka dib markii Israel ay baahisay in shaqaale kamid ah kuwa gurmadka hey\u2019addaasi ay ka qeybqaateen weeraradii Xamaas ee 7-dii October.<\/p>\n<p>Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan Magaalada Tokiyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan Yoko Kamikawa iyo madaxa UNRWA Philippe Lazzarini ,kuwaas oo kahadlay \u00a0siyaabaha kor ugu qaadi karo hufnaanta iyo hubinta raadinta lacagaha tabarucaadda ah iyo sidoo kale helidda shaqaale \u00a0dhexdhexaad\u00a0 ah.<\/p>\n<p>&#8220;Japan iyo UNRWA waxay xaqiijiyeen dadaallada lagama maarmaanka u ah dib u soo celinta tabarucaadkii Japan,&#8221; wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa bayaan ku sheegtay.<\/p>\n<p>In ka badan toban wadan ayaa hakiyay dhaqaalihii ay siin jireen UNRWA bishii Janaayo ka dib markii maamulka Israel ay ku eedeeyeen in 12 ka mid ah shaqaalaha hey\u2019addaasi ay lug ku yeesheen weerarada Xamaas ee koonfurta Israel.<\/p>\n<p>Israa&#8217;iil ayaa ku doodday \u00a0in inka badan 450 shaqaale ah oo la howlgala UNRWA ay yihiin &#8220;shaqaale militari oo ka tirsan kooxaha argagixisada ee Gaza,balse Qaramada Midoobay oo baadhay arrintaasi \u00a0ayaa sheegtay in Israa\u2019iil aysan heyn ama keenin caddaymo muujinaya eedaymahaasi.<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Japan ayaa qorsheynaysa in ay dib u bilowdo dhaqaalihii ay siin jirtay hay\u2019adda Qaramada Midoobay u qaabilsan gargaarka qaxootiga Falastiin ka dib markii Israel ay baahisay in shaqaale kamid ah kuwa gurmadka hey\u2019addaasi ay ka qeybqaateen weeraradii Xamaas ee 7-dii October. Hadaladaan ayaa ka dambeeyay kulan Magaalada Tokiyo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Japan Yoko [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":510478,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"class_list":{"0":"post-510476","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510476","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=510476"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510476\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":510479,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/510476\/revisions\/510479"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/510478"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=510476"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=510476"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=510476"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}