{"id":509390,"date":"2024-03-09T16:05:53","date_gmt":"2024-03-09T13:05:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=509390"},"modified":"2024-03-09T16:31:54","modified_gmt":"2024-03-09T13:31:54","slug":"raiisul-wasaaraha-xukuumadda-jamhuuriyadda-federaalka-sooraiisul-wasaaraha-xfs-ayaa-tababar-ku-saabsan-diblumaasiyadda-oo-soconayey-muddo-saddex-toddobaad-ah-u-soo-xiray-toban-danjire-oo-ay","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/raiisul-wasaaraha-xukuumadda-jamhuuriyadda-federaalka-sooraiisul-wasaaraha-xfs-ayaa-tababar-ku-saabsan-diblumaasiyadda-oo-soconayey-muddo-saddex-toddobaad-ah-u-soo-xiray-toban-danjire-oo-ay\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaaraha XFS oo tababar u soo xiray toban Danjire"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, isla markaana ay dalkeenna u abuuraan saaxiibbo wanaagsan oo siyaasadeed.<\/p>\n<p>\u201cWaxaan u baahannahay in siyaasaddeennu ay ku saleysnaato Soomaali Dunida Heshiis la ah oo danteeda ka shaqeynaysa, lehna siyaasad deggan oo ku saleysan caqli iyo cilmi, waana taas sababta keentay in aan diblumaasiyadda u xulano dad ruug caddaa ah oo leh khibrad\u201d. Ayuu yiri Ra\u2019iisul Wasaaraha oo la hadlayey Safiirrada tababarka loo soo xiray.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shahaadooyin guddoonsiiyey danjireyaasha ayaa ku bogaadiyey Machadka Diblumaasiyadda iyo Tababarka ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Soomaaliya, kaalinta uu ka qaato kor u qaadidda aqoonta diblumaasiyiinta Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar ku saabsan diblumaasiyadda oo soconayey muddo saddex toddobaad ah u soo xiray toban Danjire oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS. Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay danjireyaasha cusub in iyaga oo khibraddooda adeegsanaya ay wax weyn ka beddelaan muuqaalka siyaasadeed ee Soomaaliya, [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":42,"featured_media":509391,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-509390","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509390","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/42"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=509390"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509390\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":509395,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509390\/revisions\/509395"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/509391"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=509390"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=509390"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=509390"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}