{"id":509369,"date":"2024-03-09T09:44:20","date_gmt":"2024-03-09T06:44:20","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=509369"},"modified":"2024-03-09T09:44:20","modified_gmt":"2024-03-09T06:44:20","slug":"wasiirka-difaaca-oo-haweenka-soomaaliyeed-ku-amaanay-doorka-ay-ka-qaadanayaan-xoreynta-dalka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasiirka-difaaca-oo-haweenka-soomaaliyeed-ku-amaanay-doorka-ay-ka-qaadanayaan-xoreynta-dalka\/","title":{"rendered":"Wasiirka Difaaca oo haweenka Soomaaliyeed ku amaanay doorka ay ka qaadanayaan xoreynta dalka"},"content":{"rendered":"<div class=\"x1swvt13 x1pi30zi xyamay9\">\n<div>\n<div class=\"xjkvuk6\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\">Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay casho sharaf ku maamuusay haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka, ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan xoreynta dalka.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu ogtahay qiimaha ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin qaranka, isagoo dhanka kale, kaga mahadceliyay in ay doorteen ku biiritaanka ciidamada xoogga dalka, xilli daruufo adag dalka uu ku jiray.<\/div>\n<div class=\"x1swvt13 x1pi30zi xyamay9\">\n<div class=\"xjkvuk6\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs\">\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">\n<div class=\"\" dir=\"auto\">\n<div id=\":rku:\" class=\"x1iorvi4 x1pi30zi x1l90r2v x1swvt13\" data-ad-comet-preview=\"message\" data-ad-preview=\"message\">\n<div class=\"x78zum5 xdt5ytf xz62fqu x16ldp7u\">\n<div class=\"xu06os2 x1ok221b\">\n<div class=\"xdj266r x11i5rnm xat24cr x1mh8g0r x1vvkbs x126k92a\">\n<div dir=\"auto\">&#8221; Waxaan rabbaa in aan idn kaga mahadceliyo in aad doorateen in aad ciidamada xoogga dalka ku soo biirtaan, waajib cid walba gudan karto ma ahan,marka lagu soo biirayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waxa aad ka soo tanaasuleysaa wax walba oo adiga nolol gaar ah ku sameysan lahayd, waxa aad ka tanaasuleysaa naftaada oo adduunka waxa kaliya oo ugu qiimaha badan oo aad haysatid ah,&#8221; ayuu yiri wasiirka.<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<\/div>\n<div dir=\"auto\"><\/div>\n<div dir=\"auto\">Wasiirka Difaaca dalka, ayaa u qiray haweenka doorkooda taariikhiga ah ee halgankii gobonnimo doonka iyo kaalinta maanta ay ka qaadanayaan dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta, wuxuuna carabka ku adkeeyay taageerada haweenku ay u fidiyeen taakuleynka ciidamada xoogga dalka ee ku jira daaglka ka dhanka ah Khawaarijta.<\/div>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho.(SONNA):- Wasiirka Gaashaandhiga xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo xalay casho sharaf ku maamuusay haweenka ku jira ciidanka xoogga dalka, ayaa amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayaan xoreynta dalka. Wasiirka ayaa sheegay in xukuumaddu ogtahay qiimaha ay haweenka Soomaaliyeed u leeyihiin qaranka, isagoo dhanka kale, kaga mahadceliyay in ay doorteen ku biiritaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":509370,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-509369","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509369","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=509369"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509369\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":509371,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/509369\/revisions\/509371"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/509370"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=509369"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=509369"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=509369"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}