{"id":508880,"date":"2024-02-29T12:27:59","date_gmt":"2024-02-29T09:27:59","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=508880"},"modified":"2024-02-29T12:27:59","modified_gmt":"2024-02-29T09:27:59","slug":"ciidamada-itoobiya-oo-xasuuq-u-geystay-toboneeyo-ka-soo-jeeda-gobolka-amxaarada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/ciidamada-itoobiya-oo-xasuuq-u-geystay-toboneeyo-ka-soo-jeeda-gobolka-amxaarada\/","title":{"rendered":"Ciidamada Itoobiya oo xasuuq u geystay toboneeyo ka soo jeeda gobolka Amxaarada"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-weight: 400;\">Bahir Dar, (SONNA):- Dad goob-joogayaal ah ayaa ka waramay xasuuq ay ciidmada Itoobiya ka geysteen magaalada Merawi oo 30 km dhanka Koonfur uga beegan magaala madaxda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">&#8220;Waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan abid la kulmo nolosheyda,&#8221; ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha xasuuqa, isaga oo intaasi ku daray: &#8220;Waxa kaliya ee aad ku qiyaasi karto falalka naxariis darrada ah ee nuucaan ah, waa filimada naxdinta leh oo kale.&#8221;<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Goob-joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay rag isagu jira waayeelo iyo dhallinyaro ay kala soo baxeen guryaha iyo maqaayadaha, iyagoo garaacaya, kadibna ay ku toogteen waddooyinka 29-kii bishii January ee lasoo dhaafay.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Dadka ay ciidamada Itoobiya si bareer ah u toogteen ayaa lagu qiyaasay inta u dhaxeysa 50 ilaa 100 rag ah. &#8220;Waxaan tiriyey ugu yaraan 50 mayd oo lagu dilay hal meel, oo uu ku jiro walaalkay,&#8221; ayuu yiri goobjooge.\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Jabhaddda Amxaarada ee loo yaqaano Fano ayaa tan iyo bishii April ee la soo dhaafay la dagaalamaysay ciidamada Itoobiya, kadib markii ay xukuumadda dalkaas si xun ula dhaqantay dadka deegaankooda kasoo jeeda.\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Ra\u2019iisul wasaare Abiy Axmed ayaa bishii August ee 2023 ku dhawaaqay bandow si loo caburiyo dadka, lana qaboojiyo kacdoonka looga soo horjeedo Dowladda Dhexe ee ka billaawday Gobolka Amxaarada.\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">\u201cDilalka aan loo meel dayin ee loo geysto dadka rayidka ah ayaa sii hurinaya naceybka loo qabo Dowladda. Isla xisaabtan la&#8217;aanta ka jirta Itoobiya ayaa sii\u00a0 dhiirigelineysa dembiilayaasha,&#8221; ayay tiri Hay\u2019adda Amnesty International.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">In kasta oo ay adag tahay in si buuxda loo helo faahfaahinta xasuuqa ka dhacay Merawi ka dib markii uu Abiy Axmed ka jaray isgaarsiinta, hadana waxaa soo baxaya macluumaad iyo caddeymo anfariir geliyay dunida iyo Hay\u2019adaha ka shaqeeya xuquuqda aadanha.\u00a0<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-weight: 400;\">Hay\u2019adda Amnesty International iyo wadamada reer galbeedka ayaa ku baaqaya in baaritaano lagu sameeyo xasuuqa ka dhacay Merawi, si loo maxkamadeeyo mas\u2019uuliyiintii ka dambeysay xasuuqa sidoo kalena ay caddaalad u helaan qoysaskii dadkooda la laayay.<\/span><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Bahir Dar, (SONNA):- Dad goob-joogayaal ah ayaa ka waramay xasuuq ay ciidmada Itoobiya ka geysteen magaalada Merawi oo 30 km dhanka Koonfur uga beegan magaala madaxda gobolka Amxaarada ee Bahir Dar. &#8220;Waxay ahayd wixii ugu xumaa ee aan abid la kulmo nolosheyda,&#8221; ayuu yiri mid ka mid ah goobjoogayaasha xasuuqa, isaga oo intaasi ku daray: [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":508881,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-508880","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508880","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=508880"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508880\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":508882,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508880\/revisions\/508882"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/508881"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=508880"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=508880"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=508880"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}