{"id":508326,"date":"2024-02-21T09:06:17","date_gmt":"2024-02-21T06:06:17","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=508326"},"modified":"2024-02-21T09:06:33","modified_gmt":"2024-02-21T06:06:33","slug":"xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-afka-hooyo-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/xuska-maalinta-caalamiga-ah-ee-afka-hooyo-2\/","title":{"rendered":"Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Afka Hooyo"},"content":{"rendered":"<p>Shucuubta dowladaha caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee Afafka Dunida.<\/p>\n<p>Maalintaan\u00a0caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan in la ogaado kala duwanaanshaha xagga\u00a0luqadaha,dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka u ah kobcinta\u00a0 afafka oo dhan.<\/p>\n<p>Markii ugu horreysay maalintaan caalamiga ah waxaa 17-kii Noofambar 1999 ku dhawaaqay hey\u2019adda\u00a0UNESCO ee qaabilsan waxbarashada,seyniska iyo dhaqanka,hasa yeeshee 2008-dii waxaa loo aqoonsaday sannadka Caalamiga ah ee Luuqadaha,ka dib kolkii sanadihii u dhaxeeyay 2002-2007-dii ay soo baxeen qaraarro iyo bayaan lagu aqoonsanaayo maalintaasi<\/p>\n<p>Muhiimadda xuska 21-ka febraayo ayaa ah in dowladaha caalamka ay u howlgalaan ilaalinta in ka badan lix kun oo luqadood,xoojinta midnimada bulshada,tixgelinta qeybaha luqadaha iyo wanaajinta xiriirka dunida, iyada oo loo marayo dhanka afafka iyo dhaqamada .<\/p>\n<p><strong>\u00a0<\/strong>Haddaba,\u00a0Dadka Soomaaliyeed,waxa ay ka mid yihiin shucuubta caalamka ee manta u dabbaaldegaya xuska munaasabadda maalinta 21-ka Febraayo oo ah maalin qaramada moidoobay ay u asteysay xuskaasi.<\/p>\n<p>Waa maxay afka ama luqad?<\/p>\n<p>Afka ama luqaddu waa adeegga ugu muhiimsan nidaamka nololeed ee aadanaha,\u00a0wuxuuna door weyn ka ciyaaraa xoojinta iskaashiga, is-dhexgalka bulshada ,ilaalinta hiddaha iyo dhaqanka iyo\u00a0isku xirka howlaha iyo waxqabadka kale ee ay wadaagaan guud ahaan dadyoowga dunida.<\/p>\n<p>Marka loo eego taariikhda soo jireenka ah iyo keydadka qoraalada ee dunida, Waxay na barayaan in xilli hore dadka Soomaaliyeed ay xiriir ganacsi iyo mid is-dhexgalba la lahaayeen dalal ka mid ah caalamka,gaar ahaan kuwa carabta oo aan wadaagno dhaqan ahaan iyo diin ahaanba .<\/p>\n<p>Waxaa dhab ah in\u00a0barashada tacliinta diinta islaamka ee ku qoran afka carabiga ay suurtagaliyeen horumar kale ee loo qaaday xagga qoraalka farta,taasina,waxaad ka garan kartaa kororka\u00a0ereyo badan oo carbeed oo noqday kuwo ku miilmay Afka Soomaliga<\/p>\n<p>Dhinaca kale,barashada luqadaha qalaad ee ka yimid Galbeedka,gaar ahaan gumeystayaashii reer Yurub waxa ay saacideen in ay soo baxaan bulsho wax taqaan oo kaalin xoogan ka qaatay fududeynta qoraalka farta iyo Helitaankii iftiinkii xornimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>In la qqoro Afka Hooyo,waxa uu ahaa dadaalkii ugu horeeyay ee fikrad ahaan ka yimid Dowladdi Rayidka ee Soomaaliya,waxaana 1-di July ee sanadkii 1961-kii la magacaabay guddi aqoonyahanno ah oo ka soo baaraandega qoraalka Farta Soomaaliga.<\/p>\n<p>Isku daygaasi loo qaaday xagga qoraalka Farta, waxa uu noqday mid aan miro dhalin,iyadoo sababaha ugu weyn lagu sheegay is-qab-qabsi u dhexeeyay guddigaasi,kaas oo ku aadanaa nidaamka xuruufaha\u00a0 farta ee la qaadanaayey.<\/p>\n<p>Markii labaad,\u00a0sanadkii\u00a01971-dii waxaa\u00a0 la magacaabay guddi u howlgala qoraalka Farta Soomaaliga oo ay abaaabulkeeda lahaayeen Dowladdii Kacaanka ee talada dalka Soomaaliya la wareegtay 1969-kii,waxaana guddigaasi ay soo bandhigeen\u00a018-far oo ay ka mid ahaayeen Cismaaniya,Kaddariya,Al-xabashiya,Al-carabiya iyo kuwo kale<\/p>\n<p>Oktoobar 21kii 1972-dii waa markii ugu horeysay ee lagu dhawaaqo qoraalka Afka Soomaaaliga,waxaana muddo sanad ah lagu diyaariyay\u00a0Qaamuus ,Buugag iyo Manhajyo ku qoran\u00a0Afka\u00a0Somaaliga,iyadoo\u00a0isbeddel kooban lagu sameeyay xuruuftii Laatiinka ee la qaatay,sida nidaamka xarfaha, shaqallada iyo shibbanayaasha.<\/p>\n<p>21-kii \u00a0Jannaayo 1973-dii,waxaa dalka Soomaaliya ka soo baxay wargeys ku hadlaya Afka Soomaaliga, waxaana \u00a0la helay Manhaj waxbarasho oo loo adeegsado dugsiyada dalka,isla markaana xambaarsan,aqoonta cilmiga maadiga ah, dhaqanka iyo taariikhda bulsho ee Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Inkastoo wixii ka dambeeya 1991-kii si weyn loo dareemay\u00a0dib u dhac xoogan oo ku yimid\u00a0 manhajyada waxbarasho ee ku qornaa Afka ,haddana,\u00a0Sanadkii 2018-kii waxaa mar kale lagu guuleystay in la mideeyo manhajyadii waxbarasho ee ku baxayey afafka qalaad,isla markaana la sameeyo hal manhaj oo ka tarjumaya Afka Hooyo.<\/p>\n<p>Waxaa xaqiiqo ah in\u00a0xilligii berisamaadka\u00a0 ee la qoray Afka ka dib lagu tallaabsaday horumar xagga Afka ah oo bulshada Soomaaliyeed ka saaciday in la helo hal nidaam oo loo maro qoraalka Afka ,isla markaana xambaarsan adeegyada maadooyinka cilmiga ah, kuwa dhaqanka, Warbaahinta, xafiisyada iyo \u00a0Waxbarashada.<\/p>\n<p>Af Soomaaligu waa mid ka mid ah luqadaha ugu qarada weyn ee looga hadlo dalalka Geeska Afrika, waana dhaxal ay leeyihiin dad ku dhow 30-milyan oo ku kala baahsan dalalka Jabuuti,Itoobiya,Kenya iyo gudaha Soomaaliya.<\/p>\n<p>Qoraalka Farta waa\u00a0nidaamka kaliya ee lagu ilaaliyo Afka,waana\u00a0adeeg aasaasi ah oo ku xiran nidaamka dowladnimo,sidaa daraadeed,waxaa lama huraan ah\u00a0mas\u2019uuliyiinta Waxbarashada iyo maamulka Akadeemiyada Cilmiga Fanka iyo Suugaanta\u00a0in uu dorkodu noqdo ilaalinta iyo dhowrista adeegga waxbarasho ee dalka.<\/p>\n<p>Haddii la helo manhaj ku qoran Afka Hooyo,,adeegyo waxbarasho oo lacag la\u2019aan ah iyo isdhexgal bulsho,waxaa cad in ay\u00a0imaan karaan koboc dhanka Afka ah iyo aqoon\u00a0waxbarashoo oo tayeysan.<\/p>\n<p>Sidoo kale ,waxaa muhiim ah in bulshada lagu baraarujiyo qoraalka Afka,\u00a0isla markaan loo fududeeyo helitaanka adeegyadaasi oo ah \u00a0nidaanka\u00a0kaliya ee\u00a0lagu ilaalin karo in uusan dabar go\u2019in Afka Hooyo.<\/p>\n<p>Gabagabadii anagoo ka faa\u2019ideysaneyna xuska sanadgiirada 41-aad ee afka hooyo, ,waxaan hambalyo u direynaa shucuubta dunida,gaar ahaan shacbiga Soomaaliyeed,waxaanna\u00a0u rajeyneynaa in sanadkaan kiisa kale \u00a0ay ku gaaraan horumar iyo baraare.<\/p>\n<p>SONNA<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Shucuubta dowladaha caalamka aya maanta u dareeray xuska maalinta 21-ka Febraayo oo ah munaasabad muhiim ah oo loo dabaaldego maalinta Caalamiga ah ee Afafka Dunida. Maalintaan\u00a0caalamiga ah waa xus sanadle ah oo loola jeedo sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga ku saabsan in la ogaado kala duwanaanshaha xagga\u00a0luqadaha,dhaqanka iyo guud ahaan horumarinta adeegyada lagama maarmaanka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":46,"featured_media":508333,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-508326","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508326","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/46"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=508326"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508326\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":508335,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508326\/revisions\/508335"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/508333"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=508326"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=508326"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=508326"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}