{"id":508230,"date":"2024-02-19T17:11:53","date_gmt":"2024-02-19T14:11:53","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=508230"},"modified":"2024-02-19T17:15:23","modified_gmt":"2024-02-19T14:15:23","slug":"bjfs-oo-soo-dhaweeyey-warmurtiyeedkii-ka-soo-baxay-midowga-afrika","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/bjfs-oo-soo-dhaweeyey-warmurtiyeedkii-ka-soo-baxay-midowga-afrika\/","title":{"rendered":"BJFS oo soo dhaweeyey Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika"},"content":{"rendered":"<p><strong>Muqdisho (SONNA):-<\/strong> Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024.<\/p>\n<p>Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo sheegay in go\u2019aanka ka soo baxay Midowga Afrika uu Soomaaliya u hiilinayo.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya haddana ah xubin ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mahdi Guuleed ayaa warmurtiyeedka ka soo baxay Midowga Afrika ku sifeeyey in uu meesha ka saarayo damaca dowladda Itoobiya.<\/p>\n<p>Xildhibaan Mahdi Guuleed oo u waraysi gaar ah siiyay warbaahinta Qarank ayaa yiri, &#8220;Warmurtiyeedka ka soo baxay Midowga Afrika waxaa uu meesha ka saarayaa damacii Ethiopia waxaana uu xoojinayaa wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Dhanka kale Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Xildhibaan Dr Cilmi Maxamuud Nuur \u00a0oo isna la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa yiri, \u201dWarmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika waxaa uu caddeynayaa in Somaliland ay tahay gobol ka mid ah Soomaaliya, waxaana uu farriin culus u dirayaa oo soo afjarayaa damacii Abiy Axmed.\u201d<\/p>\n<p>Ugu dambeyn Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya \u00a0oodankiisa ka hadlay bayaanka ka soo baxay Midowga Afrika ayaa yiri, &#8220;Abiy Axmed adduunka oo dhan ayaa ku soo jeestay oo damaciisii waa ku guul dareystay, dagaal haddii uu bilaabana waan uga guuleysaneynaa.\u201d<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa si adag uga hadlay Xadgudubka Ethiopia ee dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii ay heshiis beenaad ay ku kala saxiixdeen magaalada Addis Ababa Itoobiya iyo maamulka gobolka Waqooyi ee Soomaaliya (Soomaaliland) 1-dii January 2024. Warmurtiyeedkii ka soo baxay Midowga Afrika ayaa waxaa soo dhaweeyey qaar ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":508231,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-508230","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508230","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=508230"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508230\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":508234,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/508230\/revisions\/508234"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/508231"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=508230"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=508230"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=508230"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}