{"id":507942,"date":"2024-02-15T18:20:19","date_gmt":"2024-02-15T15:20:19","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=507942"},"modified":"2024-02-15T18:24:32","modified_gmt":"2024-02-15T15:24:32","slug":"kenya-airways-oo-dib-u-bilaabaysa-duullimaadyadii-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kenya-airways-oo-dib-u-bilaabaysa-duullimaadyadii-muqdisho\/","title":{"rendered":"Kenya Airways oo dib u bilaabaysa duullimaadyadii Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p><strong>Nairobi (SONNA):- <\/strong>Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Munaasabadaan oo ka dhacday gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Jooma Kenyatta ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya\u00a0 u fadhiya Dalkaan Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale,\u00a0 Wasiirka Gaadiidka iyo\u00a0 Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.<\/p>\n<p>Madax kala duwan iyo Mas&#8217;uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha\u00a0 iyo rakaabkii nasiibka u yeeshay in ay maanta raacaan duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Garoonka Diyaaradda Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn ayaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka\u00a0 Soomaaliyeed uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho, Nairobi iyo faa&#8217;iidada ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed ee u kala safra Soomaaliya iyo Dalkaan Kenya.<\/p>\n<p>Tani waa talaabo wanaagsan oo qeyb weyn ka qaadan karto hurumarka iyo isku socodka dadka iyo badeecadaha dalka, maadaama Dowladda Somaaliya dhawaan ku biirtay Ururka Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Nairobi (SONNA):- Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Magaalada Muqdisho. Munaasabadaan oo ka dhacday gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Jooma Kenyatta ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya\u00a0 u fadhiya Dalkaan Kenya Danjire Jabriil [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":507947,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-507942","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507942","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=507942"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507942\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":507946,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507942\/revisions\/507946"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/507947"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=507942"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=507942"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=507942"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}