{"id":507875,"date":"2024-02-14T12:11:16","date_gmt":"2024-02-14T09:11:16","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=507875"},"modified":"2024-02-14T12:11:16","modified_gmt":"2024-02-14T09:11:16","slug":"soomaaliya-oo-ka-qayb-gashay-shir-heerkiisu-sarreeyo-oo-looga-hadlayay-howlgalka-atmis","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/soomaaliya-oo-ka-qayb-gashay-shir-heerkiisu-sarreeyo-oo-looga-hadlayay-howlgalka-atmis\/","title":{"rendered":"Soomaaliya oo ka qayb gashay shir heerkiisu sarreeyo oo looga hadlayay howlgalka ATMIS"},"content":{"rendered":"<p>Addis Ababa-(SONNA)-Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay golaha amniga iyo nabad-gelyada midowga Africa.<\/p>\n<p>Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayay danjiraha Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Maxamed Warfaa, la taliyaha amniga ee Ra\u2019iisal Wasaaraha XFS mudane Kamaal Guutaale, Xoghayaha koowaad ee Ssafaaradda JFS ee Addis Ababa u qaabbilsan midowga Africa mudane, Shaafici Nuur Calas, diplomaasiyiin ka tirsan safaaradda iyo mas\u2019uuliyiin kala duwan oo kamid ahaa wafdiga wasiirka.<\/p>\n<p>Shirka waxaa sidoo kale goob joog ahaa dhamaan dalalka taageera horumarka iyo xasilinta Soomaaliya, hay\u2019adaha Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub iyo khuburada Dowladda Soomaaliya kala shaqaynaysa meelmarinta iyo dhamaystirka hawl-galka ATMIS oo sanadkan 2024-ka si rasmi ah loo soo geba-gebayn doono.<br \/>\nShirkan oo qaatay saacado badan, ayaa si qota dheer looga dooday natiijooyinka dhaxal-galka ah ee laga gaaray qorshaha Qaran ee la xiriira in ciidamada xoogga dalka Soonaaliyeed ay si buuxda ula wareegaan amniga Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiir Cali Cumar Cali (Balcad) oo shirka khudbad ka jeediyay ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay si dhab ah ugu guulaysatay in Ciidamada xoogga dalka loo carbiyo xasilinta nabad-gelyada Soomaaliya iyo xaalufinta kooxaha Khawaarijta, isla markaana ay DFS kalsooni buuxda ku qabto tayada iyo tababarrada ay qaateen CXDS ayna si buuxda ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wasiirka ayaa dalalka Africa iyo saaxiibbada Soomaaliya uga mahadceliyay dedaalka iyo garab istaagga ay ku bixiyeen marxaladda wanaagsan ee ay xiligan Soomaaliya soo gaartay.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Addis Ababa-(SONNA)-Wasiiru Dawlaha ahna ku simaha Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS mudane Cali Cumar Cali (Balcad) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa magaalada Addis Ababa kaga qayb galay shir looga arrinsanayay guulaha laga gaaray howlgalka geba-gebada ah ee ATMIS, kaasi oo uu soo qaban-qaabiyay golaha amniga iyo nabad-gelyada midowga Africa. Wasiirka waxaa shirka ku wehelinayay danjiraha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":507876,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-507875","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507875","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=507875"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507875\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":507877,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507875\/revisions\/507877"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/507876"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=507875"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=507875"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=507875"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}