{"id":507256,"date":"2024-02-04T13:54:22","date_gmt":"2024-02-04T10:54:22","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=507256"},"modified":"2024-02-04T13:59:58","modified_gmt":"2024-02-04T10:59:58","slug":"kulan-looga-soo-horjeeday-damaca-gurrac-ee-itoobiya-ee-badda-soomaaliya-oo-lagu-qabtay-muqdisho","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/kulan-looga-soo-horjeeday-damaca-gurrac-ee-itoobiya-ee-badda-soomaaliya-oo-lagu-qabtay-muqdisho\/","title":{"rendered":"Kulan looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee Badda Soomaaliya oo lagu qabtay Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Waxaa Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee badda Soomaaliya.<\/p>\n<p>Kulan oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca itoobiya iyo xadgudubka ay ku sameysay qarnimada iyo madaxbannaanida ummadda Soomaaliyed.<\/p>\n<p>Waxaa ka qeybgal kulanka xildhibaano katirsan\u00a0 labada gole ee BJF,wasiirro iyo bulshada kasoo jeeda gobolka Awdal kuwaa oo sheegay in dowladda ay ku garab taaganyihiin go&#8217;aanka ay ka qaadatay damaca liita ee dowladda Itoobiya.<\/p>\n<p>Suldaan Diire oo waxgaradkii goobta ka hadlay kamid ahaa ayaa sheegay in Soomaalida meel walba oo ay joogta looga.baahanyaha y in ay u istagaan difaaca dalka.<\/p>\n<p>\u201cInaan dirirno mooyee dawo kale ma heynee dabka qaata oo kaca xeebahana difaaca \u201dSuldaan Diiriye<\/p>\n<p>Sanator Bilaal Ismaaciil Cabdullaahi oo kamid ah sanatarada kasoo jeeda gobolka Awdal ayaa yiri\u201cReer Awdal maanta waxa ay muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan Damaca Ethiopia\u201d<\/p>\n<p>Xildhibaan Maxamed Xuseen Haadi \u201cogolaan meyno innagoo Muslimiin ah inaan baddeenna ka iibino Gaalo\u201d<\/p>\n<p>Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr Maxamed Xasan oo ku hadlayay afka guddiga qabaan qaabada kulan difaaca Badda Soomaaiya ayaa sheegay sida shacabka rer Awdal aysan marnaba raali uga ahayn in la qaato badda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cHaddii aan nahay shacabka reer Awdal marnaba raalli kama noqoneyno in baddeenna iyo dhulkeennu gacmaha ka baxaan\u201dsidaa waxa yiri Wasiir kuxigeenka Caafimaadka Soomaaliya<\/p>\n<p>Wasiir Xagaa oo isna hadlay ayaa yir \u201cwaxaan cod dheer ku leenahay ma ogolin qaadashada Baddeenna , waxaana u hureynaa nafteenna iyo maalkeenna difaaca dhulkayaga\u201d<br \/>\n<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240204_134356_580.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Waxaa Magaalada Muqdisho maanta lagu qabtay kulan ballaaran oo looga soo horjeeday damaca gurracan Itoobiya ee badda Soomaaliya. Kulan oo ay soo qaban qaabiyeen siyaasiinta iyo bulshada gobolka Awdal ayaa waxa ay ka dhiidhiyeen damaca itoobiya iyo xadgudubka ay ku sameysay qarnimada iyo madaxbannaanida ummadda Soomaaliyed. Waxaa ka qeybgal kulanka xildhibaano katirsan\u00a0 labada gole ee [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":507257,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-507256","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507256","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=507256"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507256\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":507261,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507256\/revisions\/507261"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/507257"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=507256"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=507256"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=507256"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}