{"id":507017,"date":"2024-01-30T13:38:46","date_gmt":"2024-01-30T10:38:46","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=507017"},"modified":"2024-01-30T13:40:39","modified_gmt":"2024-01-30T10:40:39","slug":"guddoomiyaha-sodma-oo-furay-shirka-ka-jawaabista-arrimaha-biniaaddannimada-ee-2024","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiyaha-sodma-oo-furay-shirka-ka-jawaabista-arrimaha-biniaaddannimada-ee-2024\/","title":{"rendered":"Guddoomiyaha SoDMA oo furay shirka ka jawaabista arrimaha bini&#8217;aaddannimada Soomaaliya ee 2024"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini\u2019adamnimo ee sanadkaan 2024.<\/p>\n<p>Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini\u2019aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada, hay\u2019addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha iyo madax ka tirsan QM.<\/p>\n<p>Hay\u2019addaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee qaabbilsan arrimaha samafalka ayaa waxay dalbadeen lacag dhan $ 1.6 bilyan si loo caawiyo dad gaaraya 5.2 Milyan oo Soomaali ah sanadka 2024.<\/p>\n<p>Guddoomiyaha SoDMA ayaa sheegay in sanadkii tagay dadka Soomaaliyeed ay aad u waxyeelleeyeen fatahaado ka dhashay roobabkii Elnino, kuwaas oo sababay barakac fara badan isagoo sheegay in 80% dadka ku barakacay ay yihiin Caruur iyo Haween.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Guddoomiyaha Hay\u2019adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Md, Maxamuud Macallim Cabdulle ayaa maanta furay shir looga hadlayo qorshaha ka jawaabista baahiyaha bini\u2019adamnimo ee sanadkaan 2024. Shirkan waxaa ka soo qayb-galay ku-xigeenka Ergayga gaarka ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ahna xiriiriyaha gargaarka bini\u2019aadamnimo ee Soomaaliya George Conway, xubno ka socda wasaaradaha gargaarka dowlad goboleedyada, hay\u2019addaha samafalka, deeq-bixiyayaasha [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":507018,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-507017","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507017","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=507017"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507017\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":507022,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/507017\/revisions\/507022"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/507018"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=507017"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=507017"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=507017"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}