{"id":506511,"date":"2024-01-23T11:09:02","date_gmt":"2024-01-23T08:09:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=506511"},"modified":"2024-01-23T11:32:35","modified_gmt":"2024-01-23T08:32:35","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-kuma-talo-jirno-inaan-la-dagaallanno-itoobiya-haddaan-nalagu-qasbin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-kuma-talo-jirno-inaan-la-dagaallanno-itoobiya-haddaan-nalagu-qasbin\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh: Kuma talo jirno inaan la dagaallanno Itoobiya haddaan nalagu khasbin"},"content":{"rendered":"<p>Qaahira-(SONNA)-Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay la dagaallanto Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu waddankiisu jawaab ka heli doono.<\/p>\n<p>Madaxweynaha oo u warramayay warbaahinta Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa intaasi ku daray in dowladdiisu aysan u qorsheysnayn dagaal ay la gasho Itoobiya,balse haddii ay wax iska beddelaan xaaladdu uu waddankiisu jawaab bixin doono.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray in haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyinka waallida ah ee ay qaadayso ay iyaguna cid walba weydiisan doonaan taageero gaar ahaan dowladda Masar.<\/p>\n<p>Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay mar kale in heshiis ku sheegga ay wada gaareen madaxda Maamulka Soomaaliland iyo Itoobiya uu fursad siinayo khawaarijta.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Qaranka mudane Xasan Sheekh ayaa xusay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay leeyihiin Taariikh ku suntan colaad iyo dagaallo balse ay Soomaaliya boggaasi iska laabtay, iyadoo go&#8217;aansatay in ay waddamada gobolka kula noolaato nabad.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay in Itoobiya aysan doonayn oo keliya badda balse ay doonayso in ay ku darsato dhulka Soomaaliyeed, taasina aysan dhici doonin.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Qaahira-(SONNA)-Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya aysan ku talo jirin inay la dagaallanto Itoobiya, balse haddii ay wax iska beddelaan uu waddankiisu jawaab ka heli doono. Madaxweynaha oo u warramayay warbaahinta Al-Carabiya xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa intaasi ku daray in dowladdiisu aysan u qorsheysnayn dagaal ay [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":506521,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-506511","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/506511","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=506511"}],"version-history":[{"count":6,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/506511\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":506528,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/506511\/revisions\/506528"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/506521"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=506511"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=506511"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=506511"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}