{"id":505992,"date":"2024-01-16T15:16:37","date_gmt":"2024-01-16T12:16:37","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=505992"},"modified":"2024-01-16T15:17:58","modified_gmt":"2024-01-16T12:17:58","slug":"wiil-dhalinyaro-ah-oo-muqdisho-ka-hirgeliyay-warshad-sameysa-burjikooyinka-cuntada-lagu-karsado","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wiil-dhalinyaro-ah-oo-muqdisho-ka-hirgeliyay-warshad-sameysa-burjikooyinka-cuntada-lagu-karsado\/","title":{"rendered":"Wiil dhalinyaro ah oo Muqdisho ka hirgeliyay warshad sameysa Burjikooyinka cuntada lagu karsado"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay warshad si maalinle ah u sameysa Burjikooyinka dad cuntada ku karsadaan, waxaana tallaabadan uu qaaday wiilkan dhallinyarada ah looga maarmi doonaa Burjikooyinkii loo doonan jiray dalka dibaddiisa.<\/p>\n<p>Eng: Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintii uu farsameeyo ku dhowaad toddobo boqol oo xabo ( Burjiko ah), isagoo aan helin wax caawin ah.<\/p>\n<p>&#8221; Soomaalida inta badan waxay u badan yihiin dad danyar ah oo aan awoodin in markasta oo ay ka soo halowdo in ay dib lacag ugu sameystaan, marka waxaan jeclahay in muddo ay u heyso,&#8217;.<\/p>\n<p>Warshaddan cusub oo lago magacaabo (JIKO-SOM), waxay soo saartaa noocyada kala duwan ee jikooyinka cuntada lagu kariyo, waxaanna yaala dhammaan qalabka loogu talagalay in burjikooyinkaas lagu farsameeyo.<\/p>\n<p>Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaan weydiinay Bulshada kalsoonida ay ku qabi karto tayo ahaan Burjikooyinkan uu gacantiisu ku sameeyo, &#8221; Shacabkeenna mar walba waxay jecel yihiin waxyaabaha dalka laga soo saaro, ileyn waxyaabaha dalka laga soo saaro waxa sameynayo waa walaalkood, walaalkoodna boqolkiiba boqol wuxuu ka fiirinayaa xagga tayada,&#8221;.<\/p>\n<p>Injineerka ayaa aad u adeegsado baraha Bulshada, halkaas oo uu ku soo gudbiyo howsha muhiimka ah ee uu bulshada u haayo.<\/p>\n<p>&#8221; Ganacsigeyga Tiktok wuxuu ka beddelay waxyaabo badan, shalay cidba ima kaseyn,&#8221; ayuu yiri, isagoo aaladda uu adeegsanayo Bulshada ugu sheegayo tayada allaabaha uu soo saaro.<\/p>\n<p>Burjikooyinkan uu sameeyay wiilkan dhallinyarada ah qiimahooda waa 16-dollar, balse si aan u ogaano kuwa iyaga la midka ah ee dalka dibbadiisa laga keennay qiimaha la iibiyo iyo farqiga u dhaxeeyo, waxayna warbaahinta qaranka booqatay suuqayada lagu iibiiyo Burjikooyinka dibadda laga keennay.<\/p>\n<p>Xasan Cabdikariin oo ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa sharxaya qiimaha lagu iibiyo burjikooyinka laga keenno dalka bannaankiisa ee ay iibiyaan.<\/p>\n<p>&#8221; Waxaan ka mid ahay ganacsatada magaalada Muqdisho in muddo ahna ku soo dhex jiray, haddii aan warbixin yar kaa siiyo jikooyinkan, &#8221; Haddana kan oo kale &#8221;JIKAAKO&#8221;, waddanka Kenya laga keennaa, waxaa jira jikooyin badan oo waddanka lagu sameeyo, kan oo kale, waxaa laga keennaa Kenya, waxay leedahay labo naqshad lacagtoodana waa 22-dollar,&#8221;.<\/p>\n<p>Xilliyadii u dambdeeyay waxaa jiray dib u kabasho, iyadoo dalka ay ku soo kordhayeen ganacsiyo yar yar, kuwaas oo daboolay baahida dad badan oo Soomaaliyeed.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho,(SONNA):- Wiil dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Eng: Maxamed Axmed Cusmaan ayaa magaalada Muqdisho ka hirgeliyay warshad si maalinle ah u sameysa Burjikooyinka dad cuntada ku karsadaan, waxaana tallaabadan uu qaaday wiilkan dhallinyarada ah looga maarmi doonaa Burjikooyinkii loo doonan jiray dalka dibaddiisa. Eng: Maxamed ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in maalintii uu farsameeyo ku [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":41,"featured_media":505993,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-505992","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505992","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/41"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=505992"}],"version-history":[{"count":3,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505992\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":505996,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505992\/revisions\/505996"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/505993"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=505992"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=505992"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=505992"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}