{"id":505904,"date":"2024-01-15T13:45:56","date_gmt":"2024-01-15T10:45:56","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=505904"},"modified":"2024-01-15T13:45:56","modified_gmt":"2024-01-15T10:45:56","slug":"jaamacadda-carabta-oo-kulan-deg-deg-ah-ka-yeelanaysa-damaca-gurracan-ee-itoobiya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/jaamacadda-carabta-oo-kulan-deg-deg-ah-ka-yeelanaysa-damaca-gurracan-ee-itoobiya\/","title":{"rendered":"Jaamacadda Carabta oo kulan Deg Deg ah ka yeelanaysa Damaca gurracan ee Itoobiya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Safiirka<br \/>\nJamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee\u00a0 Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland.<\/p>\n<p>Safiirka ayaa tilmaamay\u00a0 in shirka laga soo saari doono go\u2019aan mideysan oo Dowladaha Carabtu ka qaadanayaan\u00a0 xad-gudubka ay Itoobiya ku sameysay madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya kadib markii ay heshiis sharci darro ah la gashay Somaliland oo ah qeyb ka mid ah Jamhuuriyadda Federeaaka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Safiirka ayaa dhanka kale bogaadiyay dadaalka ay Jaamacadda Carabta iyo Dowladaha kale ee saaxibada ah ugu jiraan\u00a0 garab istaagga Dowladda Soomaaliya xilligaan la joogo si loo muujiyo xurmada gobanimada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Wakiilka Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ayaa ku\u00a0 baaqay in shirka laga soo saaro\u00a0 go\u2019aan adag oo\u00a0 gabi ahaanba lagu diidayo heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Itoobiya, sdioo kalena lagu taageerayo dhamaan tallaabooyinka ay Dowladda Soomaaliya qaadeyso si ay uga hortagto faragelinta lagu sameeyay arrimaheeda gudaha.<\/p>\n<p>Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ayaa carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya aysan ka tanaasuli doonin hal taako oo ka mid ah dhulkeeda, iyada oo qaadi doonta\u00a0 tallaabo kasta oo ay kaga hortagayso faragelinta Itoobiya, taas oo ah\u00a0 xad-gudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya, kana soo horjeeda dhammaan shuruucda iyo xeerarka caalamiga ah.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240115_134329_081.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Masar, ahna Wakiilka Joogtada ah ee Jaamacadda Carabta, Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuu Bakar, ayaa sheegay muhiimadda uu leeyahay Shirka degdegga ah ee\u00a0 Jaamacadda Carabtu ka yeelan doonto Arbacada soo socota heshiiskii sharci darradda ahaa ee Itoobiya iyo Maamulka Somaliland. Safiirka ayaa tilmaamay\u00a0 in shirka laga soo saari doono [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":505905,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-505904","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505904","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=505904"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505904\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":505906,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505904\/revisions\/505906"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/505905"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=505904"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=505904"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=505904"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}