{"id":505218,"date":"2024-01-06T20:35:27","date_gmt":"2024-01-06T17:35:27","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=505218"},"modified":"2024-01-06T20:35:27","modified_gmt":"2024-01-06T17:35:27","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-saxiixay-sharciga-burinta-is-afgaradka-itoobiya-iyo-maamulka-somaliland","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-saxiixay-sharciga-burinta-is-afgaradka-itoobiya-iyo-maamulka-somaliland\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo saxiixay sharciga burinta is afgaradka Itoobiya iyo maamulka Somaliland"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p>Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka jiilasha Soomaaliyeed iyo madaxbannaanida dalka.<\/p>\n<p>Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tilmaamay in sharcigan uu yahay mowqifka rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, farriin adagna u yahay cid kasta oo naawilaysa in ay boobto dhulka, badda iyo hawada shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa shacabka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ugu baaqay in xoojiyaan midnimadooda marxaladdan taariikhiga ah, ayna kala saaraan arrimaha siyaasadeed ee laga heshiin karo iyo arrimaha masiiriga ah ee taabanaya mustaqbalka ubadkeenna iyo jiritaankeenna.<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_240106_203222_712.sdocx--><\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-505219\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"670\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344-300x186.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344-1024x635.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344-768x476.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562030344-860x534.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-505220\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"720\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-300x200.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-1024x683.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-768x512.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-330x220.jpg 330w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-420x280.jpg 420w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-615x410.jpg 615w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2024\/01\/FB_IMG_1704562032281-860x573.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay sharciga Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee burinta is-afgaradka dowladda Itoobiya iyo Maamulka Soomaaliland, kaas oo ay ansixiyeen Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ku ammaanay wakiilada shacabka Soomaaliyeed ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare doorka taariikhiga ah ee ay ka qaateen difaaca dhaxalka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":505219,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[1135],"class_list":{"0":"post-505218","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-madaxweyne-xasan-sheekh-oo-saxiixay-sharciga-burinta-is-afgaradka-itoobiya-iyo-maamulka-somaliland"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505218","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=505218"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505218\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":505221,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505218\/revisions\/505221"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/505219"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=505218"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=505218"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=505218"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}