{"id":505056,"date":"2024-01-04T18:01:33","date_gmt":"2024-01-04T15:01:33","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=505056"},"modified":"2024-01-04T18:43:13","modified_gmt":"2024-01-04T15:43:13","slug":"dowladda-turkiga-oo-garab-istaag-u-sameysay-dowladda-soomaaliya","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/dowladda-turkiga-oo-garab-istaag-u-sameysay-dowladda-soomaaliya\/","title":{"rendered":"Dowladda Turkiga oo garab istaag u sameysay dowladda Soomaaliya"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra\u2019iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga \u00d6nc\u00fc Ke\u00e7eli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa yiri, \u201cWaxa aanu ka walaacsanahay Heshiiskii Is-afgaradka ee Iskaashiga ee ay Itoobiya iyo Somaliland ku kala saxeexdeen Addis Ababa January 1, 2024, iyada oo aan ogolaansho ka haysan Dawladda Soomaaliya.\u201d<\/p>\n<p>Sidoo kale qoraalka uu faafiyey afhayeenka ayuu ku sii daray, \u201cWaxaan mar kale xaqiijinaynaa sida ay nooga go\u2019an tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxaan ku nuuxnuuxsanaynaa in ballan-qaadkani uu yahay mid ku jaan go&#8217;an sida shuruucda caalamiga ah.\u201d<\/p>\n<blockquote class=\"twitter-tweet\" data-width=\"550\" data-dnt=\"true\">\n<p lang=\"en\" dir=\"ltr\">We note with concern the Memorandum of Understanding for Partnership and Cooperation, which was signed between Ethiopia and Somaliland in Addis Ababa on January 1, 2024, without the knowledge and consent of the Government of Somalia.<\/p>\n<p>We reaffirm our commitment to the unity,\u2026<\/p>\n<p>&mdash; \u00d6nc\u00fc Ke\u00e7eli | D\u0131\u015fi\u015fleri Bakanl\u0131\u011f\u0131 S\u00f6zc\u00fcs\u00fc (@SpoxTR_MFA) <a href=\"https:\/\/twitter.com\/SpoxTR_MFA\/status\/1742918494143062319?ref_src=twsrc%5Etfw\">January 4, 2024<\/a><\/p><\/blockquote>\n<p><script async src=\"https:\/\/platform.twitter.com\/widgets.js\" charset=\"utf-8\"><\/script><\/p>\n<p>\u201cHadda iyo jeer, waxaan rabnaa in muranka u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland lagu dhammeeyo wada xaajood toos ah iyo Soomaali dhexdeeda, waxaanan ku celinaynaa inaan taageersanahay hindisayaasha jihadaas,\u201d ayuu ku soo gabagabeeyey qoraalka afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in ay ka walaacsan tahay heshiiska is-afgaradka dhexmaray Ra\u2019iisul Wasaaraha dowladda federaalka Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweynaha maamulka Somaliland Muuse Bixi Cabdi, kaas oo ku xadgudbaya midnimada ummadda Soomaaliyeed. Afhayeenka Wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga \u00d6nc\u00fc Ke\u00e7eli oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitterka ee hadda loo yaqaan X ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":505057,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[83,94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-505056","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-caalamka","8":"category-gudaha","9":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505056","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=505056"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505056\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":505061,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/505056\/revisions\/505061"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/505057"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=505056"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=505056"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=505056"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}