{"id":504940,"date":"2024-01-03T11:55:13","date_gmt":"2024-01-03T08:55:13","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=504940"},"modified":"2024-01-03T11:55:13","modified_gmt":"2024-01-03T08:55:13","slug":"rw-ku-xigeenka-dalka-waxa-maanta-ii-muuqatay-cududda-caqliga-kartida-iyo-awoodda-ummadda-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/rw-ku-xigeenka-dalka-waxa-maanta-ii-muuqatay-cududda-caqliga-kartida-iyo-awoodda-ummadda-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"RW ku xigeenka dalka : Waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya ay in ay dhalisay yididiilo cusub oo mideysay dareenka bulshada Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>\u201cDhiiladii shalay waxa bededalay yididiilo, dhaqaaq, dedaal iyo ficil, haddaynu Soomaali nahay waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed, marka ay midaysan tahay, heshiis ku-sheeggii sharci-darrada ahaa ee 1\/1\/2024 magaalada Addis Ababa ay kaga dhawaaqeen Ra\u2019iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, kaas oo\u00a0 xadgudub cad iyo gardarro ku ah gobannimada, qarannimada, madax bannaanida, iyo midnimada dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya\u201d.<\/p>\n<p>Mudane Saalax ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu mideeeyay dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba , wuxuuna xusay in ficillada caynkan ahi ay xadgudub cad ku yihiin mabaadi\u2019da caalamiga ah iyo kuwa u yaal Qaramada midoobay iyo\u00a0 Midowga Afrika, sidoo kalana ay waxyeello ku yihiin deris-wanaagga iyo nabadda gobolka.<\/p>\n<p>\u201cDadweynaha Soomaaliyeed, waxa ay si isku-duubni ah u muujiyeen dareenkooda ku aaddan gardarrada iyo daandaansiga Dawladda Itoobiya kula kacday gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa na ay wadajir uga soo horjeesteen faragelin walba oo loo geysto qarannimada, midnimada dhuleed, iyo madaxbannaanida Soomaaliya\u201d.<\/p>\n<p>Ugu danbeyn, Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka dalka ayaa ugu baaqay dadweynaha Soomaaliyeed in ay ilaashaadaan gobannimadooda iyo midnimadooda, wadajirna uga hortagaan cid walba oo duullaan ku ah dhulkooda iyo madax bannaanidooda.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka XFS, Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in dadweynaha ku nool Somaliland ay\u00a0 boqolaal sano hormuud u ahaayeen difaaca iyo gobannimada Soomaaliyeed oo ay yihiin kuwii keenay midnimada sannadkii 1960 kii.<\/p>\n<p>Mudane Saalax ayaa bulshada Soomaaliland kula dardaarmay in ay noqdaan kuwa ugu horreeya ee u istaaga difaaca, sharafta iyo karaamada Soomaaliyeed, maaddaama uu Itoobiya damac kaga jiro mar kale geyigeenna.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Ra\u2019iisul Wasaare ku xigeenka XFS Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in filicka dowladda Itoobiya ee ku aaddan qaadashada badda Soomaaliya ay in ay dhalisay yididiilo cusub oo mideysay dareenka bulshada Soomaaliyeed. \u201cDhiiladii shalay waxa bededalay yididiilo, dhaqaaq, dedaal iyo ficil, haddaynu Soomaali nahay waxa maanta ii muuqatay cududda, caqliga, kartida iyo awoodda ummadda Soomaaliyeed, marka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":504941,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-504940","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504940","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=504940"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504940\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":504942,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504940\/revisions\/504942"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/504941"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=504940"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=504940"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=504940"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}