{"id":504404,"date":"2023-12-26T13:06:02","date_gmt":"2023-12-26T10:06:02","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=504404"},"modified":"2023-12-26T14:51:34","modified_gmt":"2023-12-26T11:51:34","slug":"guddoomiye-madaale-oo-ka-qeybgalay-munaasabadda-xuska-sanad-guurada-11-aad-ee-dib-u-aas-aasida-waaxda-gurmadka-deg-degga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/guddoomiye-madaale-oo-ka-qeybgalay-munaasabadda-xuska-sanad-guurada-11-aad-ee-dib-u-aas-aasida-waaxda-gurmadka-deg-degga\/","title":{"rendered":"Guddoomiye Madaale oo ka qeybgalay sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar.<\/p>\n<p>Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada dowladda hoose ay u heyso bulshada gobolka Banaadir ayaa waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2012-kii, iyadoona Howlwadeenada waaxdaan ay gurmad naf hurnimo ah u fidiyaan shacabka Soomaaliyeed, haba ugu darnaato xilliyada ay kacaan dababka.<\/p>\n<p>Duqa Magaalada Muqdisho oo munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraaday dadaalada Naf-hurnimo oo ay howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga ay sameeyaan, asigoona xusay in Maamulka Gobolka ay ka go\u2019an tahay tayeynta iyo ka warqabka Howlwadeenada waaxda, maadaama ee yihiin kuwa ka shaqeeya shaqada ugu adag ee lagu bad-baadiyo Nafta iyo Maalka Shacabka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Munaasabadda waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha waaxda Gurmadka Deg-degga Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Cabdiqani Maxamed Axmed, qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Howlwadeenada Waaxda Gurmadka Deg-degga.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabadda xuska sanad guurada 11-aad ee dib u aas-aasida Waaxda Gurmadka Deg-Degga ee maamulka gobolka Banaadir iyo dowladda hoose ee Xamar. Waaxdaan oo laf dhabar u ah adeegyada dowladda hoose ay u heyso bulshada gobolka Banaadir ayaa [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":54,"featured_media":504405,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-504404","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504404","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/54"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=504404"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504404\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":504407,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/504404\/revisions\/504407"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/504405"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=504404"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=504404"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=504404"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}