{"id":503746,"date":"2023-12-17T09:49:29","date_gmt":"2023-12-17T06:49:29","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=503746"},"modified":"2023-12-17T09:55:23","modified_gmt":"2023-12-17T06:55:23","slug":"madaxweynaha-jfs-oo-dalka-dib-ugu-soo-laabtay-kadib-safaaradii-mareykanka-iyo-uganda","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweynaha-jfs-oo-dalka-dib-ugu-soo-laabtay-kadib-safaaradii-mareykanka-iyo-uganda\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha JFS oo dalka dib ugu soo laabtay"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 17px;\">Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib safaro shaqo oo mirodhal ah oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 17px;\">Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii oo joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas rasmi ka dhigay xubinimada Soomaaliya ee EAC.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 17px;\">Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhanka kale kulan miro-dhal ah kula soo qaatay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda\u00a0 Maraykanka ee magaalada Washington, ku simaha ku xigeenka Xoghayaha Arimaha Dibadda dalkaas Marwo Victoria Nuland ayaa kala hadlay xoojinta xiriirka iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 17px;\">Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Mareykanka sidoo kale kulan kula soo qaatay xarumahooda magaalada Washington ee dalka Mareykanka mas\u2019uuliyiinta ka tirsan hay\u2019adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, isagoo uga mahadceliyay doorkoodii guushii taariikhiga ahayd ee dalkeennu ka soo hooyay barnaamijka deyn cafinta. <\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 17px;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Xarunta Qaramada Midoobey ee magaalada New York waxa ku guddoomiyey Shirka Amniga Soomaaliya oo lagu muujiyey muhiimadda ay gobolka u leedahay dowladnimada iyo amniga Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 17px;\">Shirkaas oo ka soo qeyb-galeen dalalka, Maraykanka, Ingiriiska, Turkiga, Qatar, Imaaraatka, Sucuudiga, Shiinaha, Jabbaan, Hindiya, Itoobiya, Jabuuti, Uganda, Burundi, Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Sweden, Netherlands, Finland, Spain, Norway, Midowyada Carabta, Midowga Afrika iyo Yurub.<\/span><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_231217_094653_361.sdocx--><\/p>\n<p>Safarka madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Soomaaliya u horseeday guulo waaweyn oo ku hagaya mustaqbal wanaagsan.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay kaddib safaro shaqo oo mirodhal ah oo uu ku tagay dalalka Mareykanka iyo Uganda. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intii oo joogay Uganda magaalada Entebbe ku soo saxiixay heshiiska ku biiritaanka Ururka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), kaas rasmi ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":43,"featured_media":503747,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-503746","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503746","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/43"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=503746"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503746\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":503751,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503746\/revisions\/503751"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/503747"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=503746"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=503746"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=503746"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}