{"id":503737,"date":"2023-12-16T20:49:36","date_gmt":"2023-12-16T17:49:36","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=503737"},"modified":"2023-12-16T20:49:36","modified_gmt":"2023-12-16T17:49:36","slug":"wasaaradda-isgaarsiinta-xfs-oo-muqdisho-ku-qabatay-kulan-ku-saabsan-adeegsiga-tiknoolojiyadda-casriga-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/wasaaradda-isgaarsiinta-xfs-oo-muqdisho-ku-qabatay-kulan-ku-saabsan-adeegsiga-tiknoolojiyadda-casriga-ah\/","title":{"rendered":"Wasaaradda Isgaarsiinta XFS oo Muqdisho ku qabatay kulan ku saabsan adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion).<\/p>\n<p>Kulankaan oo lagu gorfeeyay siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion),\u00a0 oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb-galay Xubno ka socday Hay\u2019adaha dowladda, Ururrada bulshada rayidka, shirkadaha ka shaqeeyo Arrimaha Isgaarinta, bahda Waxbarshada iyo dadka nugal ee baahiyaha gaarka ah qaba.<\/p>\n<p>Khubarada soo diyaariyay siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga oo ka taageeray wasaaradda ee kala ah\u00a0 Asal solutions iyo KCL ayaa soo bandhigay bandhigay ahmiyadda dalkeennu u leedahay Adeeegga Tiknoolojiyadd Casri ah oo loo dhan-yahay, waxey dul istaageen habraacyada loo jiheynayo in guud ahaan waddanka laga hirgeliyo adeeggaan muhiimka ah, Iyada oo mudnaan gaar ah la siinayo bulshada qeybaheeda kala duwan, Sida; dadka reer guuraga ah, dadka baahiyaha gaarka ah qabo, haweenka, dhallinyrada aan gaarin da\u2019da qaangaarnimada iyo caqadaha hortaagan hannankii xal loogu heli lahaa.<\/p>\n<p>Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mudane Cabdicasiis Duwane Isaaq oo furay shirka ayaa sheegay\u00a0 in looga fadhiyo xubnaha ka qeyb-galay in dood adag ka yeeshan in isticmaalka Adeega Teknoolojiyadda casriga ah in ay noqoto mid sare\u00a0 oo xowli ah isla markaana caqadabaha iyo xalalka xooga la saaro inta madasha ay socoto.<\/p>\n<p>\u201cDhawr arrimood oo is-dulsaaran xariir adagna leh oo mawduucan ugu horreeyo dhammaanteena ama in la xaqiijiyo, waxey tahay in ay cidna ka maqnaan helidda adeegyada casriga ah iyo isticmaalka adeegsiga iyo agabka teknoolojiyadda. Aad ayaa looga hadlaa inclusion ka iyo exclusion ka, waana aafo guud haddana si gaar ah bulshadeena u saamaysa, Ka wasaarad ahaan waxa naga go\u2019an dadaalka xukuumaddu ugu jirto dawladnimo loo dhanyahay inaan laga reebin teknoolojiyadda casriga ah iyo isbedelka muuqda ee hoggaana u ah bulshada qaybaheeda kala duwan inay ka harin.<\/p>\n<p>Siyaasaddan waxay horsed fiican u noqon doontaa sidii waddanka oo dhan iyo dadkeena oo dhan ay qayb uga noqon lahaayeen isbedelka teknoolojiyaddu oo noloshooda wayn kaga jirto\u201d Ayuu sheegay Mudane Cabdiasiis.<\/p>\n<p>Ugu dambeyn, ka qeyb-galayaasha ayaa ku biirayay Siyaasadda talooyin iyo aragtiyo dhaxal gal u ah hore-u-socdka siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah.<\/p>\n<p><img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-503738\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002.jpg\" alt=\"\" width=\"946\" height=\"1080\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002.jpg 946w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002-263x300.jpg 263w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002-897x1024.jpg 897w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002-768x877.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0002-860x982.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 946px) 100vw, 946px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-503739\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0003-860x645.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/> <img loading=\"lazy\" loading=\"lazy\" decoding=\"async\" class=\"alignnone size-full wp-image-503740\" src=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004.jpg\" alt=\"\" width=\"1080\" height=\"810\" srcset=\"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004.jpg 1080w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004-300x225.jpg 300w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004-1024x768.jpg 1024w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004-768x576.jpg 768w, https:\/\/sonna.so\/so\/wp-content\/uploads\/2023\/12\/IMG-20231216-WA0004-860x645.jpg 860w\" sizes=\"auto, (max-width: 1080px) 100vw, 1080px\" \/><br \/>\n<!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_231216_204556_002.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho-(SONNA)-Wasaaradda Isgaarsiinta Iyo Teknoolojiyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Muqdisho maanta ku qabatay kulan wadatashi ah oo ku saabsan siyaasadda adeegsiga Tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion). Kulankaan oo lagu gorfeeyay siyaasadda adeegsiga tiknoolojiyadda casriga ah (Digital Inclusion),\u00a0 oo ay soo agaasintay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolijiyada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, waxaana ka [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":38,"featured_media":503740,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[1112],"class_list":{"0":"post-503737","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka","9":"tag-wasaaradda-isgaarsiinta-xfs-oo-muqdisho-ku-qabatay-kulan-ku-saabsan-adeegsiga-tiknoolojiyadda-casriga-ah"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503737","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/38"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=503737"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503737\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":503741,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503737\/revisions\/503741"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/503740"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=503737"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=503737"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=503737"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}