{"id":503322,"date":"2023-12-10T14:09:09","date_gmt":"2023-12-10T11:09:09","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=503322"},"modified":"2023-12-10T14:18:41","modified_gmt":"2023-12-10T11:18:41","slug":"agaasimaha-qorsheynta-hayadda-duulista-rayidka-soomaaliyeed-oo-soo-bandhigtay-doorka-hannaanka-jiheynta-dowladnimada-casriga","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/agaasimaha-qorsheynta-hayadda-duulista-rayidka-soomaaliyeed-oo-soo-bandhigtay-doorka-hannaanka-jiheynta-dowladnimada-casriga\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adda Duulista oo soo bandhigtay doorka Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Maareeyaha guud ee Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.<\/p>\n<p>Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay\u2019adaha Dawladda.<\/p>\n<p>Agaasimaha Qorsheynta Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed, Aamina Cabdiraxmaan Cusmaan oo horey dalka dibadeeda ugu soo qaadatay tababarka hirgalinta hannaankan ayaa ku soo bandhigtay kulan ay goobjoog u ahaayeen agaasimayaasha iyo agaasime waaxeedyada HDRS , siyaabaha loo dhaqangelin karo iyo sida ay HDRS waaxyaheeda qayb uga noqon lahaayeen hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).<\/p>\n<p>\u201c Hannaankan wuxuu gacan ka geysanaya inan xoojino wada-shaqeynta waaxyaha oo isla jaanqaadidooda ay gacan ka geysanayso in la horumariyo dadaalladii lagu fulinayo adeegyada bulshada iyo qaranka aan u heyno.\u201d ayuu yiri Maareeyaha guud ee HDRS, Mudane Axmed Macallin oo faray agaasime waaxeedyada Hay\u2019adda dhaqangelinta doorka ay hay\u2019addu ku leedahay Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga.<\/p>\n<p>Inta lagu jiro dhaqangelinta Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah , waaxda Qorsheynta HDRS ayaa bixin doonta tababarro la siinayo waaxyaha si loo dardargeliyo hannaankan ku salaysan isla-xisaabtanka waxqabadka (Performance Tracking).<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho(SONNA):- Maareeyaha guud ee Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (HDRS), Mudane Axmed Macallin Xasan ayaa maanta daahfuray Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya doorka ay ku leedahay Hay\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed. Dawladda Soomaaliya ayaa daahfurtay 16 bishii Oktoober ee sannadkan Hannaanka Jiheynta Dowladnimada casriga ah ee Soomaaliya , iyadoo ujeeddadu tahay horumarinta waxqabadka hay\u2019adaha Dawladda. [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":44,"featured_media":503323,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-503322","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503322","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/44"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=503322"}],"version-history":[{"count":4,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503322\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":503327,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503322\/revisions\/503327"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/503323"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=503322"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=503322"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=503322"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}