{"id":503158,"date":"2023-12-07T17:42:30","date_gmt":"2023-12-07T14:42:30","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=503158"},"modified":"2023-12-07T17:42:58","modified_gmt":"2023-12-07T14:42:58","slug":"rw-xamsa-oo-sheegay-in-hayadda-duulista-rayidka-ay-ku-jirto-heyadaha-ugu-kobaca-badan","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/rw-xamsa-oo-sheegay-in-hayadda-duulista-rayidka-ay-ku-jirto-heyadaha-ugu-kobaca-badan\/","title":{"rendered":"RW Xamsa oo sheegay in hay\u2019adda Duulista Rayidka ay ku jirto hey\u2019adaha ugu kobaca badan"},"content":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada.<\/p>\n<p>\u201cSoomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hey\u2019adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad adag, si aan ula baratanno caalamka aan la shaqaysanayno, lana imaadno karti, aqoon iyo farsamo aan adduunka kula ganacsano\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray bahda duulimaadyada caalamiga (Civil Aviation Community), gaar ahaan bahda duulimaadyada Soomaaliya, Wasaaradda Duulista iyo Gaadiidka Cirka, isagoo sheegay in Xukuumadda #DanQaran ay ahmiyad gaar ah siinayso horumarinta Hey\u2019adda Duulista Hawada, si ay ula tartanto hey\u2019adaha dhigeeda ah.<\/p>\n<p>\u201cHey\u2019adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed waxay ku jirtaa hey\u2019adaha ugu kobaca badan marka loo fiiriyo dhiggeeda, maantana muddo gaaban waxa aan joognaa meel fiican oo lagu faani karo, waxaa la xaqiijiyey yoolal badan oo la hiigsanayey, kuwaas oo ku hirgalay dadaalka la bixiyey\u201d.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gadiidka\u00a0 iyo Duulista\u00a0 iyo Heya\u2019adda Duulista Rayidka, sare uqaadidda maamulka hawada sare oo laga soo qaaday darajada G haatanna la gaarsiyey darajada \u201cA\u201d oo ah meesha ugu sareysa ee dhanka maamulka hawada sare.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo ka qayb galay munaasabdda xuska maalinta Caalamiga ee Duulista rayidka, ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay horumar fiican ka gaartay dhanka maareynta Hawada iyo duulimaadyada. \u201cSoomaaliya waxa ay u furmaysaa caalamka, waxaa la inaga rabaa in hey\u2019adaheenna dhammaantood ay u diyaar garoobaan masuuliyad [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":503159,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-503158","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503158","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=503158"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503158\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":503161,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/503158\/revisions\/503161"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/503159"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=503158"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=503158"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=503158"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}