{"id":502983,"date":"2023-12-04T12:56:17","date_gmt":"2023-12-04T09:56:17","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502983"},"modified":"2023-12-04T12:56:17","modified_gmt":"2023-12-04T09:56:17","slug":"waxaad-ku-hamineysiyo-waxa-aan-ka-hadleyno-walle-waa-kala-haab-warbixin","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/waxaad-ku-hamineysiyo-waxa-aan-ka-hadleyno-walle-waa-kala-haab-warbixin\/","title":{"rendered":"\u2018Waxaad ku \u00a0hamineysiyo waxa aan ka hadleyno walle waa kala haab\u2019 (WARBIXIN)"},"content":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay fadhi ay yeesheen ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah oo ay qaadeen 15 xubin ee golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa 14 ka mid ah waxa ay u codeysay in Soomaaliya laga qaado cunaqabateyn hubka, taas oo ka dhigan in 31 sano ka dib Soomaaliya laga qaaday cunaqabataynta hubka, waxayna albaabada u furi doonta in dowladda federaalka Soomaaliya in ay soo iibsato hub culus oo casri ah oo kaalin ku lahaan doona dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta oo xilligaan maraya heer gabogabo ah, isagoo Goluhu ku sii adkeeyay Cuneqabateynta hubka Kooxda Argagixisada ah ee Al-shahaab.<\/p>\n<p>\u201d Wadamo badan oo asxaab aan nahay ayaa jira oo diyaar u ah in ay hub siiyaan Dowladda dhexe ee Soomaaliya, wadamo kale oo waxaa jira ka ganacsada hub iyo sidii loo soo iibsan karo ama lagu soo iibsan karo sameeyno, taas waxay sahleysaa wada-hadalka aad galeysid ama soo gadaneysid ama aad ku soo heleysid mucaawino maaddaama cunaqabateyn aan ku saarneyn,\u201d ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.<\/p>\n<p>Sidoo kale, Danjiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa hoosta ka xariiqay in qaadista cunaqabateynta hubka ay Soomaaliya kaga dhigan tahay maalin weyn,islamarkaana dalal badan ay ku dhiirigelineyso in ay hub nooc walba ah siiyaan Soomaaliya. \u201dCunaqabateynta waxay cunaqabateyn u ahayd qof walba oo rabo xitaa inuu ku siiyo kuma siin karin oo waxa uu ka baqaayay in golaha ammaanka uu dhib uga yimaado, hadda waxay noo fududeyneysaa wadamo badan oo asxaabo nahay allaala noocii aan rabno, noona tababaraan dadkii isticmaali lahaa hubkiina noo keenaan,\u201d.<\/p>\n<p>Haddaba maxaa laga yiri:- \u201cDadka yaan la jahawareerin. Cunaqabateynta hubka waxaa laga qaaday Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya. Oggolaashaheeda la\u2019aantiis ma jirto hey\u2019ad, koox, gobol ama shakhsi si sharci ah hub kula soo degi karta\u201d, sidaasi waxaa yiri Wasiir hore Yuusuf Garaad Cumar, kadib markii uu maqlay dad wax ka badan isla dhexmaraya. \u201cDanjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q. M. ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ra\u2019iisal Wasaaraha, Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ayaan ugu hambalyeynayaa in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka\u201d.<\/p>\n<p>Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Bulshada waxa uu marka hore \u201cWaxaan u mahadcelinayaa cid kasta oo ka qeyb qaadatay. Waxay markhaati cad u tahay in Dowladnimada Soomaaliya ay maalinba maalinta ka dambeysa\u00a0 midba mar ay ka gudbeyso caqabadaha hor taagan nabadeynta, dib u dhiska iyo horumarka Soomaaliya. Guushan Soomaaliyeed ee xagga diblomaasiyadda ah, waxaa la socda mas\u2019uuliyado dhowr ah, si ay u noqoto libin waarta. Waxaan qabaa in la xoojiyo iskaashiga iyo kala warqabka hey\u2019adaha amniga ee Dowladaha aan soohdin-wadaagga nahay bad iyo dhulba iyo kuwa ku xeeran Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed. Waa in aan xaqiijinno in hubka ciidanka Dowladda gacantiisa ku jira iyo kan soo geli doonaa aanuu u gudbin shakhsiyaad ama kooxo dhibaato ka geysta Soomaaliya gudaheeda ama dal kale\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWaxaa taas qeyb weyn ka cayaari karta dib u heshiinta oo la joogteeyo, Dastuurka oo lagu dhaqmo, siyaasad furfuran oo madaxdu ay mar kasta si maangal ah u fasirto hindisayaasheeda, uga jawaabto su\u2019aalaha, ka dhowrsato wixii tuhun dhalin kara, una nuglaato cabashada shacabka. Mudanayaasha Baarlamaanka oo mid mid iyo wadajirba ka dhabeeya mataalaadda shacabka iyo la xisaabtanka Dowladda iyo doorashada qof iyo cod ee heerarka Dowladeed ee dalka oo la hirgeliyo. Taxaddar gooni ah waxaa u baahan in labada guulood ee isku soo beegmay &#8211; cunaqabateynta hubka ee la qaaday iyo deyn cafintu aanay iyagu is-tirtirin ama is-burin\u201d, ayuu sii raaciyay Yuusuf Garaad. Wuxuuna uigu dambeyntii u mahadceliyay Danjiraha Soomaaliya u fadhiya xarunta Q. M. ee New York, Wasiirka Arrimaha Dibadda, Ra\u2019iisal Wasaaraha, Madaxweynaha, Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed in Soomaaliya laga qaaday cunaqabateynta hubka.<\/p>\n<p>\u201cHaddii wax laga weydiin lahaa Ragga qaar Cunaqabateynta in la qaado iyo in kale waxaa laga yaabaa in ay dhihi lahaayeen \u201c yaan dalka laga qaadin cunaqabateynta sababtuna waa in Shabaab loo adeegsanayo hubkaas\u201d. Golaha Ammaanka (UNSC) ayaa gartay in la aqbalo codsiga Dawladda Soomaaliya ee ah in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, si ciidamadeena awoodooda loo xoojiyo waana ku mahadsan yihiin, laakin qaar siyaasiyiinteena ka mid ah waxay garan la\u2019yihiin baahida dalku u qabo in dastuurka la dhammaystiro. Soomaaliya meesheedii hore laguma sii hayn karo\u201d, sidaasi waxaa isna qaba Wasiirka Arrimaha Gudaha ee XFS Mudane Axmed Macallim Fiqi.<\/p>\n<p>\u201cHaddii wax laga weydiin lahaa ragga qaar Cunaqabateynta in la qaado iyo in kale waxaa laga yaabaa in ay dhihi lahaayeen \u201c yaan dalka laga qaadin cunaqabateynta, sababtuna waa in Shabaab loo adeegsanayo hubkaasi. Golaha Ammaanka ee Qaramada Middobay (UNSC) ayaa gartay in la aqbalo codsiga Dawladda Soomaaliya ee ah in cunaqabateynta hubka Soomaaliya laga qaado, si ciidamadeena awoodooda loo xoojiyo waana ku mahadsan yihiin. laakin qaar siyaasiyiinteena ka mid ah waxay garan la\u2019yihiin baahida dalku u qabo in dastuurka la dhammaystiro. Soomaaliya meesheedii hore laguma sii hayn karo\u201d.<\/p>\n<p>Maareeyaha Golaha Murtida iyo Madadaallada ee National Theaterka ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan oo ay muddo kooban socod ku sheekeystay ayuu ku yiri \u201cMadaxweyne maad nasatid Aduunyo orod laguma gaaree\u201d ayaa iigu jawaabay \u201cGuuroow waxaan nasanayaa Insha allaah Soomaaliya oo nabada Oo aan Khawaariij joogin, Dadkeedu xor yahay, Siyaasaddeedu xasiloon tahay, Anna Oday Xurmo leh oo Magaalada iska xashaashi kara aan ahay, Madaxda iga danbeydana Dal iyo Dad deggan hoggaamiyaan\u201d.<\/p>\n<p>\u201cWallee hamiga Xassan Shiikh iyo hanka Dadaan arkay waa kala haab\u201d, sidaasi waxaa yiri:- Maareeyaha Theaterka Qaranka Cusmaan Cabdulle Guure, waxaa kaloo uu sii raaciyay<strong> \u00a0WAXAAD KU HAMINEYSIYO WAXA AAN KA HADLEYNO WALLEE KALA HAAB.<\/strong><\/p>\n<p>\u201c32-sano kadib Maanta ayaan noqonay Dowlad rasmi ah, \u2019Barlamaankana waa in ay Fadhiidnimada ka saaraan Dastuurka oo ay isbedal ku sameeyaan\u201d, sidaasi waxaa yiri Gudoomiyaha Guddiga Wacyigalinta iyo Abaabulka ee Xooggag Wadaniyiinta Yuusuf Diiriye.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa balan qaadday in hubka ay soo iibsato uusan geli doonin gacanta cadowga, iyadoo Bulshada qeybaheeda kala duwan ay soo dhoweeyeen tallaabada cunaqabateynta hubka looga qaaday Soomaaliya, iyagoo bogaadiyay Dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.<\/p>\n<p><strong>By C\/laahi Ruush<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay fadhi ay yeesheen ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-kii. Tallaabadaan ayaa ah mid ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub, taasi oo ah tallaabo muhiim ah oo wax badan ka bedeli karta ammaanka Soomaaliya iyo kan Geeska Afrika. Codeyn u dhacday hab gacan taag ah [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":50,"featured_media":502984,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,82],"tags":[],"class_list":{"0":"post-502983","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-maqaallada"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502983","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/50"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502983"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502983\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502985,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502983\/revisions\/502985"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/502984"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502983"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502983"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502983"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}