{"id":502819,"date":"2023-12-02T00:31:07","date_gmt":"2023-12-01T21:31:07","guid":{"rendered":"https:\/\/sonna.so\/so\/?p=502819"},"modified":"2023-12-02T00:31:07","modified_gmt":"2023-12-01T21:31:07","slug":"madaxweyne-xasan-sheekh-oo-dadka-soomaaliyeed-u-diray-farriin-ku-saabsan-cunaqabateynta-hubka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/sonna.so\/so\/madaxweyne-xasan-sheekh-oo-dadka-soomaaliyeed-u-diray-farriin-ku-saabsan-cunaqabateynta-hubka\/","title":{"rendered":"Madaxweyne Xasan Sheekh oo dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan\u00a0 cunaqabateynta hubka"},"content":{"rendered":"<p><span style=\"font-size: 18px;\">Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan\u00a0 cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha ayaa ka\u00a0 hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa&#8217;iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">&#8220;Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,&#8221; sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, &#8220;Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la&#8217;egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.&#8221;<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, &#8220;Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.&#8221;<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.<\/span><\/p>\n<p><span style=\"font-size: 18px;\">Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.<\/span><!--\/data\/user\/0\/com.samsung.android.app.notes\/files\/clipdata\/clipdata_bodytext_231202_002902_234.sdocx--><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Muqdisho (SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan\u00a0 cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ka\u00a0 hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa&#8217;iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka. &#8220;Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu [&hellip;]<\/p>\n","protected":false},"author":7,"featured_media":502821,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"content-type":"","footnotes":""},"categories":[94,81],"tags":[],"class_list":{"0":"post-502819","1":"post","2":"type-post","3":"status-publish","4":"format-standard","5":"has-post-thumbnail","7":"category-gudaha","8":"category-wararka"},"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502819","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/7"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=502819"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502819\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":502822,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/502819\/revisions\/502822"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/502821"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=502819"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=502819"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/sonna.so\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=502819"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}